8th October 2024  admin  Category :

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa tan iyo xalay wada howlgal ay ku doonayaan in ay kusoo afjaraan weerar ay xubno ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen hoteelka la oran jiray Villa Rose ee haatan loo beddelay Villa Rays ee magaalada Muqdisho.

Dad goob joogeyaal ah ayaa BBC-da u sheegay in ay weli socoto rasaas, ayna maqlayaan dhawaaqa hub culus.

Weerarkan ayaa kusoo aaday xilli bilihii lasoo dhaafay uu sii xoogeysanayay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay iska kaashanayaan ciidanka dowladda iyo maleeshiyo beeleedyo is abaabulay.

Xogta ku saabsan weerarka ayaa isasoo tareysa balse su’aalo badan ayaa la iska weydiinayaa aagga uu ku yaallo, sida loo ay ku suurtagashay in la weeraro, mas’uuliyiinta xilligaas ku sugnaa iyo khasaaraha ka dhashay weerarka.

Haddaba maxaan ka ognahay afartaas arrinba?

Goobta uu ku yaallo Hotel Villa Rose

Villa Rays

Hoteelkan oo ka mid ah kuwa ugu magaca weyn ee ku yaalla caasimadda Soomaaliya waxa ay koox hubeysan gudaha u galeen fiidnimadii Axadda, 27-ka November, 2022. Balse goobta uu ku yaallo awgeed, dad badan waxaa lama filaan ku noqotay in la weeraray.

Waxa uu ku yaallaa degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir. Balse waxa uu gudaha ugu jiraa xayndaabka ay ku taallo xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia, oo ah halka uu ku howlgalo Madaxweynaha Soomaaliya.

Villa Rose

Qiyaastii 400 oo tallaabo ayuu u jiraa xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, sida uu BBC u sheegay wasiir-u-dowlaha deegaanka, Aadan Aw Xirsi oo ka mid ahaa madaxda ka badbaaday weerarkaas.

Waxa uu hoteelkan sidoo kale u dhow yahay Dhismaha Tiyaatarka Qaranka.

Aaggan waa mid aan loo oggoleyn in ay u dhawaadaan gawaarida dadweynaha iyo kuwa gaarka ah ee ay shakhsiyaadku wataan.

Amniga hoteelka

Madaxtooyada Villa Soomaaliya iyo xaafadaha ku dhow ayaa amnigooda si weyn loo sugaa, hoteelka Villa Rays-na waxa uu ka mid yahay goobaha sida weyn amnigooda loo sugo.

Taas kama hor istaagin Al-Shabaab in ay weerar ka fuliyaan hoteelkan, iyadoo dad badan isweydiinayeen sida ay ugu suurtagashay kooxdu in ay tallaabadaas qaaddo.

Janaraal Cabdullaahi Aaadan Xuseen “Cirro” oo ah khabiir ka faallooda arrimaha amniga ayaa BBC-da uga warramay sida uu arrintan u arko.

“Dadkani waa dad adiga kula mid ah, kugu af ah, kugu midab ah, ka mid ah dadka Soomaaliyeed. Marka waa dad khaldan oo adiga kugu dhex nool. Masaajiddada ayey kula joogaan, meelaha aad joogto wey kula joogaan,” ayuu yiri.

“Mas’uuliyadda dowladda ayey saaran tahay, ayaga ayaana laga rabaa in haddii Alle idmo aysan dhicin waxa iyo wax la mid ah,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Ganaraal Cirro oo dhanka kale ka hadlay ujeeddada Al-Shabaab ee weerarrada noocan ah yaa yiri: “Nimankan wey ku talo galeen in ay cimri dherer ka dhigtaan [in hotel la weeraro iyo in xarun dowladeed la weeraro], keliya waxay daneynayaan dhawaqaas qaeaxa dhacay.”

Mas’uuliyiinta ku sugneyd xilliga weerarka

Maxamed Axmed Doodishe

Afhayeenka booliska Soomaaliya, Korneel Sadiiq Aaden Doodishe, oo war saxaafadeed soo saaray xalay wax yar ka dib markii uu weerarka billowday ayaa sheegay in ciidanka ammaanku ay soo badbaadiyeen dad badan oo isugu jiray mas’uuliyiin iyo shacab.

Waxaa lasoo tebiyay in xilligaas ay gudaha hoteelka ku jireen saraakiil ka tirsan dowladda oo ay ka mid yihiin Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiiru dowlaha Deegaanka Aadan Aw Xirsi.

Wasiir Aw Xirsi ayaa bartiisa Twitter-ka ku xaqiijiyay in u uku sugnaa Hotel Villa Rays, uuna si nabad ah uga soo baxay halkaas.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegay in Wasiirka Amniga Gudaha, Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) uu ku dhaawacmay goobta. Faahfaahin dheeri ah lagama hayo saraakiisha kale ee ay suurtagal tahay in ay joogeen halkaas.

Hoteelkan ayaa lagu yaqaannaa inuu ka mid yahay meelaha ay sida joogtada ah u dagaan ama ku shiraan mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya.

Khasaaraha dhimashada

Weli waxaa hoteelka laga maqlayaa dhawaaqa rasaasta iyo bambooyin, wax war ahna kama soo bixin hoggaanka booliska, maamulka gobolka iyo wasaaradda warfaafinta midna.

Ilaa hadda inta la ogyahay waxaa weerarkan ku geeriyooday ugu yaraan afar ruux, sida ay BBC-da u sheegeen dad goob joogeyaal ah.

Ilo-wareedyada la hadlay BBC-da waxa ay sheegeen in dadka dhintay ay ku jiraan qurba-joog Soomaali ah oo muddo dheer dalka ka maqnaa, kuwaasoo mar dhow dibadda ka yimid, hoteelkana ku sugnaa markii la weeraray.

Waxaa jira dad dhaawacmay oo aan tiradooda si rasmi ah loo ogeyn. Dhaawaca Wasiirka Amniga Gudaha, Maxamed Axmed Doodishe ayaa lagu soo warramay in uusan ahayn mid kasoo gaaray hubka lagu weeraray hoteelka balse ay gud gaartay xilli uu kasii baxayay halkaas.

Ilo kala duwan ayaa BBC-da u sheegay in ay jiraan dad ay ilaa hadda eheladooda raadinayaan oo ay markii ugu dambeysay ku ogaayeen hoteelkaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*