7th September 2024  admin  Category :

Saiyd Amed oo kulanka Farmaajo Shuruud uga dhigay inu Maleeshiyaadkiisa ka soo qaado Jubbaland

Kulankii caawa la filayay inay yeeshaan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo baaqday

Sababaha shirka u baaqday ayaa ah Shuruud ka timid Jubbaland oo ku saabsan arrinta Gobolka Gedo oo ah in Dowladda Federaalka ka soo saarto Ciidamada ay geysay.

Waxaa haatan shir u socdaa Madaxweynaha Jubbaland iyo Puntland oo ay ka wada hadlayaan arrimaha taagan iyo shuruuda Jubbaland ku xirtay kulankaas.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada ayaa maanta duhurkii qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ku shaaciyay kulanka caawa ay yeelanayaan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland, iyadoo qoraalkaas loo arkayay mid Madaxtooyada ku iclaamineysay kulanka, laguna qarinayay shuruuda Jubbaland saacadihii hore ee maanta ka timid oo ka mid ahaa waxyaabihii uu la wadaagay Madaxweyne Axmed Madoobe Safiirka Mareykanka.

Galabta ayay aheyd markii Madaxweynaha Jubbaland iyo Taliyaha NISA kulan saacado badan qaatay ay yeesheen, arrimaha laga wada hadlay ka mid ahaa arrinta Gobolka Gedo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*