30th April 2024  admin  Category :

Madaxweyne Gaas iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Xaashi oo U Ambabaxay Dalka Sucuudiga Say Usoo Gutaan Waajibaadka Xajka

Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdiwali Maxmed Cali Gaas iyo wefti uu hogaaminayo  ayaa maanta gelinkii danbe 17 August 2017 safar ugu ambabaxay  dalka Boqortooyada Sucuudiga, Safarka Maxweynaha iyo weftigiisa ayaa daaranaa gudashada waajibaadka Xajka oo ah mid kamida tiirarka islaamka, kaas oo looga baahan yahay qofkasta oo muslima oo awooda.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo ka dhoofay magaalada Boosaaso ayaa waxaa ku wehelinaayey safarka Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi, iyo Murwadiisa iyo sidoo kale  masuuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland, waxaana Madaxweynaha iyo weftigiisa garoonka diyaarada Boosaaso kusii sagootiyey maamulka gobolka Bari iyo degmada Boosaaso, taliska qeybta gobalka bari iyo masuuliyiin kale.

https://youtu.be/W4aHqHw6yis

 

.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*