25th October 2024  admin  Category :

War goor dhow naga soo gaaray magaalada Jowhar ayaa sheegaya in illaa 12 Wasiiro oo isugu jira Wasiir iyo Wasiir kuxigeeno ay goor dhow iska casileen xilkooda, iyadoo uu sii xoogeystay ololaha ka dhan ah Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble.

Shir jaraa’id oo Wasiirada goor dhow ku qabteen Hotel ku yaalla magaalada Jowhar ayaa sheegay inay isku casileen waxqabad la’aan Madaxweynaha Hirshabeelle iyo inuu ka gaabiyay howlihii loo igmaday.

Wararka ayaa sheegaya in Wasiirada ay isugu jiraan Afar Wasiir, hal Wasiiru dowle iyo 7 Wasiir kuxigeen.

Qaar ka mid ah Wasiirada is casilay ayaa ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Hirshabeelle, ayaa ku biiray ololaha ka dhanka ah Madaxweynaha Hirshabeelle oo saaka laga diyaariyay Mooshin xil ka qaadis ah.

Wasiirada iscasilay ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka boostada iyo isgaarsiinta,kalluumeysiga iyo kheyraadka badda iyo qaar kale.

Iscasilaada kadib ayaa qaar kamid ah xildhibaanada Hirshabelle waxa ay mooshin ka geeyeen Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble. Mooshnkan ayaa waxaa saxiixay 42 xildhibaan kuwaasoo ay ka mid yihiin wasiirada iyo wasiir ku xigeenada is casilay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*