25th October 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah ee  Soomaaliya ,Ra’sul wasaaraha Xukuumadda Dalka  iyo qaar kamid ah Golaha Wasiiradda XFS  ka tirsan ayaa Shacab aad u tiro badan  kula tukaday salaadda ciidda Masjidka Isbaheysiga Islaamka ee magaaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya  Mudane Maxamed C/llahi Farmaaji ayaa salaada ka dib waxa uu masjidka isbaheysiga ka jeediyey Qudbad dhinacyo badan taabaneyso oo uu madaxweynaha kula dardaarmayey Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in Ramadaankan uu ka duwan yahay Ramadaankii hore dhanka amni waxa uuna xusay in uu ka xisilanyahay kii sanadkii hore asaga oo shacabka Soomaaliyeed u rajeeyey nabad waarto.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka kula dardaarmay in ay si buuxdo uga qeyb qaataan soo celinta amniga iyo la dagaalanka kooxaha nabad diidka ah ee dhibka ku haayo Bulshada Soomaaliyeeda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*