26th November 2026  admin  Category :

ILHAAN CUMAR OO JAWAABO DALBATAY KADDIB MARKII SARKAAL HSI AH OO QARSOODI AH LAGU ARKAY DIBADDA KULANKEEDA DADWEYNAHA

Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa dalbatay in jawaabo laga bixiyo dhacdo ay booliska magaalada Richfield ku ogaadeen sarkaal qarsoodi ah oo ka tirsan Waaxda Baarista Amniga Gudaha Mareykanka, HSI, kaas oo gaarigiisa dhigtay bannaanka goobtii uu ka socday kulankii dadweynaha ee Ilhaan Cumar 6-dii Agoosto.

Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in sarkaalkaasi uu u muuqday inuu la socday ama kormeerayay dhismaha uu kulanku ka dhacayay. Sarkaalka ayaa waday gaari nooca Ford Explorer ah, iyadoo taarikada gaariga lagu diiwaangeliyey gaari kale.

Markii hore, sarkaalka ayaa isku sheegtay oo keliya inay tahay “amniga,” balse booliska Richfield ayaa markii dambe ogaaday inay tahay sarkaal ka tirsan HSI oo ku jirtay hawlgal qarsoodi ah oo la xiriira baaritaanka daroogada.

Booliska Richfield ayaa sheegay inaan horay loogu wargelin hawlgalkaas.

Ilhaan Cumar ayaa hadda doonaysa in la caddeeyo sababta sarkaalka federaalka ahi goobta u joogtay, goorta ay HSI ogaatay kulankeeda dadweynaha, iyo in hay’adaha federaalku ay hore ula socdeen kulamo kale oo ay qabatay Ilhaan Cumar ama munaasabado ay qabteen mas’uuliyiin kale oo Minnesota

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*