26th November 2026  admin  Category :

MADAXWEYNAHA OO KULAN LA QAATAY SARAAKIISHA CIIDAMADA KALA DUWAN EE DAWLADDA PUNTLAND EE KU SUGAN GOBOLKA MUDUG.

Gaalkacyo: 08 Agoosto 2026: Madaxweynaha dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga magaalada Gaalkacyo, ayaa kulan la qaatay saraakiisha ciidamada kala duwan ee dawladda Puntland ee ku sugan Gobolka Mudug.

Kulanka waxaa ka qaybgalay saraakiisha ciidamada kala duwan oo ay hogaaminayaan Taliyaha Ciidanka Daraawiishta dawladda Puntland, Gen. Aadan Cabdi Xaashi, Taliyaha Ciidanka Booliska dawladda Puntland, Gen. Muumin Cabdi Shire iyo saraakiisha ciidamada kala duwan ee dawladda Puntland.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda nabadgelyada Gobolka Mudug iyo guud ahaan Puntland, iyadoo la iska xog-waraystay xaaladaha amni iyo dadaallada socda ee lagu xoojinayo nabadgelyada iyo xasilloonida.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa saraakiisha ciidamada kula dardaarmay adkaynta nabadgelyada iyo xasilloonida Puntland, isaga oo ku boorriyey inay sii xoojiyaan wada-shaqaynta, feejignaanta iyo gudashada waajibaadka ka saaran sugidda amniga.

Madaxweynaha waxaa kulanka ku weheliyey xubno ka tirsan Golayaasha kala duwan ee dawladda Puntland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*