
26th November 2026 admin Category :
Soomaaliya diidka oo Mashaariic loo geeyey halka Laascaanood gar gaar Galay iyo MESAGO ah loo balan qaaday
Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), ayaa caawa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga magaalada Laascaanood.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray dardargelinta mashaariicda dhinaca Gargaarka ah, xoojinta iskaashiga labada dhinac, iyo sidii loo xoojin lahaa dadaallada wax looga qabanayo arrimaha bani’aadannimada ee deegaannada Waqooyi Bari







