7th May 2025  admin  Category :

XIRITAANKA GOGOSHA NABADEYNTA BEELAHA BAH-OGAYSLABE IYO MUXUMUD EE GOBOLKA SANAAG.

Ceelbuuh: April 29, 2025: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa iyo Wasiir ku xigeenka Mudane Cabdiraxmaan Khaliif Faarax ayaa ka qaybgalay xiritaanka gogosha nabadeynta beelaha walaaha ah ee dirirtu ku dhexmartay Deegaanka Dooxada Dureera ee Gobolka Sanaag.

Waftiga Dawladda Puntland ee ka qaybgalay xiritaanka gogosha nabadaynta beelaha walaalaha ah ayaa ka kooban labada Gole ee Dawladda Puntland (Xukuumadda iyo Baarlamaanka),

Dhanka xukuumadda: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL Mudane Cabdiraxmaan Khaliif Faarax, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Duulista hawada iyo Garoomada Mudane Siciid Maxamed Awaare,

Dhanka Maamulka Gobolka Sanaag: Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Siciid Badmaax Jaamac iyo Guddoomiyaasha Degmooyinka Buraan iyo Xiingalool.

Dhanka dhaqanka waxaa ka soo qaybgalay Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan, Islaan Ciise Islaan Maxamed, Ugaas Cabdifitaax Ugaas Yaasiin, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdullaahi Cartan iyo Islaan Xuseen Xaji Cabdi.

Shirka nabadeynta beelaha Walaalaha ah ayaa April 14, 2025 ka furmay magaalada Ceelbuuh ee Gobolka Sanaag wuxuuna socday muddo 16 beri ah, waxaana ka soo baxay go’aamo guddi oo nabadda u hiilinaya.

Dhanka kale, labada beelood ee Walaalaha ah ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyey Guddoonka iyo go’aamada guddiga, waxayna balanqaadeen in ay aqbaleen, ku shaqayn doonaan kuna dhaqmi doonaan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa u mahadceliyey Isimada dhaqanka ee muddo ku sugnaa deegaanka, Guddiga dhex-dhexaadinta Beelaha 21 ahaa, Laamaha amniga oo ilaa March 10, 2025 ku sugnaa deegaankii dhibka ka dhacday iyo labadaba beelood ee

Sidookale, Isimada dhaqanka Dawladda Puntland ee hormuudka u ahaa nabadda ayaa ka mahadceliyey sidii wanaagsanayd ee Wax-garadka iyo Cuqaasha labada beelood u ajiibeen go’aamadii guddiga ka soo baxay waxayna ugu duceeyeen in alle intii dhimatay u naxariisto samir iyo iimaan buuxana ka siiyo eheladdii iyo qaraabaddii, wixii dhaawac ahna u booga dhayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*