
7th May 2025 admin Category :
Waa kuma Mark Carney, Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Kanada?
Madaxii hore ee Bangiga England, Mark Carney, oo bishii hore loo dhaariyay inuu noqdo Raysal wasaaraha Canada ka dib markii uu ku guuleystay doorashadii Canada si uu u noqdo ra’iisul wasaaraha xiga ee dalkaas.
Hadda Xisbibigiisa Libaral-ka ayaa guuleystay doorashadii shalay ka dhacday Canada.
Carney wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyay ee aan Ingiriis ahayn ee qaata doorka hoggaanka bangiga dhexe in ka badan 300 oo sano. Waxa uu horey waddankiisii uga samata-bixiyay dhibaato dhaqaale oo 2008 isaga oo markaas ah guddoomiyaha Bangiga Kanada.
Carney waligiiss ma qaban xafiis siyaasadeed. Sidaas oo ay tahay, waxa uu si gacan-taag ah ugu guulaystay tartankii xisbiga Liberal Party si uu u beddelo ra’iisal-wasaarihii hore ee Justin Trudeau horraantii bishii March.
Khibradiisa dhaqaale awgeed waxa ay dadku aaminsan yihiin inuu yahay hogaamiyaha inta badan hor istaagi doona madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo dagaal ganacsi ku qaaday dalka ay deriska yihiin.
Noloshiisii hore iyo caruurnimadiisa
In kasta oo Carney uu u safray adduunka oo dhan, isagoo ka shaqeynayay meelo ay ka mid yihiin New York, London iyo Tokyo, wuxuu ku dhashay magaalada fog ee waqooyiga ee Fort Smith, ee Gobollada Waqooyi Galbeed.
Iyadoo afartiisa awoowe saddex ka mid ah ay ka soo jeedaan County Mayo ee Ireland, Carney waxay haysataa jinsiyadaha Irish iyo Canadian labadaba. Waxa uu helay dhalashada Ingiriiska sanadkii 2018-kii, balse dhawaan ayuu sheegay in uu doonayo in uu ka tanaasulo dhalashooyinkiisa British-ka iyo Irishka, sababtoo ah waxa uu qabaa in ra’iisal wasaaraha uu haysto dhalashada Canada oo kaliya.
Waa Wiil uu dhalay maamule dugsi sare, waxa uuna deeq waxbarasho ku aaday jaamacadda Harvard.
Sannadkii 1995-kii, waxa uu shahaadada PhD-da ee dhaqaalaha ka qaatay Jaamacadda Oxford.
Macallinkiisa Jaamcadda ayaa sheegay in “Mark wuxuu ahaa arday aad u firfircoon oo karti leh, waxa uuna si degdeg ah uga falcelin jiray caqabadahada soo wajaha,”
“Xirfadahani waxay shaki la’aan si fiican ugu adeegi doonaan si uu u hoggaamiyo Kanada waqtiyadan qallafsan.”
Khibradihiisii hore

2003, wuxuu ka tagay ganacsiga gaarka ah si uu ugu biiro Bankiga Dhexe ee Canada isagoo markaasi noqday gudoomiye ku xigeen, ka dibna wuxuu u shaqeeyay Waaxda Maaliyadda isagoo ah wasiir ku-xigeen.
Sannadkii 2007-dii, waxa loo magacaabay guddoomiyaha bangiga Kanada, wax yar ka hor inta aanay suuqyada dunidu wiiqmin, taas oo waddanka u horseedday hoos-u-dhac weyn. Hoggaamintiisa bangiga dhexe ayaa si weyn loogu ammaanaa inuu dalka ka caawiyay inuu ka badbaado xaaladihii ugu xumaa.
In kasta oo bangiyada dhexe ay si xushmad leh u ixtiraamayeen, haddana waxa uu si cad u sheegay in uu doonayo in uu hoos u dhigo heerka ribada ugu yaraan hal sano.
Talaabadan ayaa loo tixgaliyay inay ganacsiyada ka caawiso in ay sii wadaan maal-gashiga xitaa marka suuqyadu xumaadaan.
Waxaa loo tiiriyaa inuu casriyeeyay Bankiga, isagoo si joogto ah uga soo muuqday warbaahinta marka loo eego guddoomiyihii ka horreeyay.
Sannadkii 2015-kii, Baanka ayaa hoos u dhigay tirada heerka dulsaarka oo ahayd 12 ilaa siddeed sannadkii, wuxuuna bilaabay tallaabooyin lagu go’aaminayo heerka ribada.
Si ka duwan gudoomiyaashii hore ee guud ahaan ilaalinayay sumcad hoose, wuxuu sameeyay faragelin muran dhaliyay ka hor laba afti dastuur oo waaweyn.
Sannadkii 2014-kii waxa uu ka digay in Scotland madax-bannaani ay ku qasban tahay inay awoodda u dhiibto UK haddii ay doonayso inay sii waddo isticmaalka lacagta Pound-ka.
Kahor aftida ka bixitaankii Britain ee Midowga Yurub, wuxuu ka digay in cod bixinta ka bixitaanka Midowga Yurub ay dhalin karto hoos u dhac.
Ka dib markii David Cameron uu xilka iska casilay ra’iisul wasaare, lacagta Pound-ka hoos ayay u dhacday, wuxuu la hadlay qaranka si uu u xaqiijiyo in nidaamka maaliyadeed uu u shaqeyn doono si caadi ah.
Wuxuu ku tilmaamay inay tahay “maalintiisii ugu adkeyd” ee shaqada, balse wuxuu sheegay in qorshayaasha lama filaanka ah ee uu Baankiga u dejiyay ay si hufan u shaqeeyeen.
Baankiga ayaa markii dambe ka jaray heerka dulsaarka 0.5% ilaa 0.25% – wuxuuna dib u bilaabay barnaamijkiisii fududaynta xisaabta si uu u taageero dhaqaalaha.
Isbuucii ugu dambeeyay bishii Maarso 2020 wuxuu arkay bilawga marxaladda ugu daran ee masiibada Covid – Bangigu wuxuu jaray 0.5% si uu u taageero dhaqaalaha, Carney wuxuu u sheegay dalka in naxdinta dhaqaale “ay tahay mid ku meel gaar ah”.