26th April 2025  admin  Category :

Xildhibaan Kuluc oo u jawaabay Hogaamiyaha Khaatumo ee taraaraxay.

Hogaamiyaha Khaatumo  Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), ayaa sheegay hadal ka yaabiyey dad badan oo ka soo jeeda beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli, kaas oo ahaa in shacabka Warsangeli iyo Dhulbahante ay isku duruufo yihiin..

Shacabka Beesha Dhulbahante, oo muddo tobon sano ah ay u soo socdeen shirar ay ku doonayeen inay maamul ku samaystaan oo aan cida ku wehelin , hase ahaatee maanta ku guulaystay inay maamul ay gooni u leeyihiin helaan, waa qaadan kari waayeen in lagu yiraahdo isku duruuf ayaa tihiin Dad aan waxba ku darsan maamulkooda iyaga oo maanta haysta maamul ay dawladda dhexe ee federaalku aqoonsatay oo uu dhowaan soo booqday R’aisul wasaaraha Soomaaliya

Dhanka kale Beesha Warsangeli, oo aan marna lagu casumin shirarkii beesha Dhulbahante qabsan jireen , laguna xusi jirin war murtiyeedeedaddii shirarkaas ka soo bixi jiray in mustaqbalka ay maamul wada samaysanayaan Sanaag iyo Sool, ayaa fajac iyo amankaag \ ku noqotay in maamul dhisan oo dhamaystiran oo la aqoonsaday oo hadda ku guda jira dhamaystirka Dastuurkiisa, oo dawladda federaalka kala hadlaya soo saarista Khayraadkooda inuu hogaamiyaheedu yiraahdo isku duruuf ayaanu nahay, isaga oo ka wada inay Ku soo BIIRAAN maamulka Khaatumo . Maamulka Isaaq land ee xag jirka ah marna ma isticmaalin mana isticmaalaan Eryga Ku biirida , halka kooxda Khaatumo hadda hogaanka u ahyaa ay dhaqan ka dhigtaan

Shacabka labada gobol waa dad walaalo ah oo aan meelna kala aadayn, hase ahaatee Khaatumada Firdhiye iyo Xildhibaan Timacade iyo Sanaagta Xildhibaan Kuluc ee Puntland isku duruuf maaha. Xildhibaan Kuluc ayaana xaqiiqda u dhow.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*