
12th March 2025 admin Category :
Madaxweynihii hore ee Filibiin, Rodrigo Duterte oo la xiray
Madaxweynihii hore ee Filibiin, Rodrigo Duterte, ayaa Talaadada maanta ah la xiray—wax yar uun ka hor dhalashadiisa 80-aad—kaddib markii lagu soo oogay dacwad la xiriirta xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, oo la sheegay inuu geystay intii uu socday dagaalkiisii ka dhanka ahaa daroogada, taasoo ahayd mid ka mid ah siyaasadaha ugu waaweyn ee xukunkiisa lagu xusuusto.
Madaxweynayaal hore oo Filibiin ah ayaa horey loogu xiray eedeymo musuq-maasuq, sida Joseph Estrada oo la xirey 2001 iyo Gloria Arroyo oo la qabtay 2011. Si kastaba ha ahaatee, Duterte ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee wajihi kara maxkamad caalami ah.
Haddaba waxaa hoos ku faahfaahsan kiiska ka socda Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC) ee ka dhanka ah Duarte iyo sida uu u soo shaac baxay.
Maxaa sababay xariga Duterte?
Xeer-ilaaliyaha guud ee Filibiin ayaa fuliyay xariga kaddib markii Interpol Manila ay Talaadadii hore heshay nuqul ka mid ah amar soo qabasho oo ka yimid ICC, sida ay sheegtay madaxtooyada dalka.
Duterte ayaa lagu xiray garoonka diyaaradaha ee Manila daqiiqado kaddib markii uu kasoo degay diyaarad uu kaga soo laabtay safar uu ku tagay Hong Kong.
Warqadda soo qabashadiisa waxay si gaar ah u xustay eedda ah “dil qorshaysan oo loo aqoonsaday xadgudub ka dhan ah xuquuqda aadanaha,” taasoo la xiriirta dagaalkiisii rabshadaha watay ee ka dhanka ahaa daroogada.
Maxkamadda ayaa bilowday baaritaanka kiiskan 15-kii September 2021. Intii uu socday ololahaas, kumannaan qof—badankood rag sabool ah—ayaa la dilay.
ICC ayaa dib u bilowday baaritaanka 2023 kaddib hakad kooban oo uu sababay racfaan ay dowladdu qaadatay.
Inkastoo tirooyinka dhimashada ay kala duwan yihiin, xeer-ilaaliyeyaasha Hague waxay sheegayaan in “tirada guud ee dadka rayidka ah ee lagu dilay ololaha loogu yeeray ‘dagaalka ka dhanka ah daroogada’ ay u dhaxeyso 12,000 ilaa 30,000.”
Duterte waxa uu xilka hayay intii u dhaxeysay Juun 2016 iyo Juun 2022.
Sidee ayey dowladda Filibiin ula dhaqantay kiiskan?
Xukuumaddii Duterte ayaa si joogto ah u diiday in ay la shaqeyso baaritaanka ICC, iyadoo ku doodday in maxkamaddu aysan awood sharci ah ku lahayn Filibiin, isla markaana ay xadgudub ku tahay madax-bannaanida dalka.
Duterte ayaa amray in Filibiin ay ka baxdo heshiiskii aasaaska u ahaa ICC, oo loo yaqaan Rome Statute, kaddib markii maxkamaddu billowday inay baarto eedeymaha la xiriira dilalka qorshaysan ee ka dhacay intii uu xukunka hayay.
Si kastaba ha ahaatee, ICC waxay xukuntay in dambiyadii la geystay ka hor inta Filibiin aysan ka bixin heshiiska 2019 ay weli hoos imaanayaan awooddeeda sharciyeed.
Madaxweynaha haatan, Ferdinand Marcos, ayaa diiday inuu dib ugu biiro ICC kaddib doorashadiisii 2022, xilli ay Duterte gabadhiisa, Sara Duterte, la tartamaysey jagada madaxweyne ku-xigeenka. Waxa uu sidoo kale sii waday diidmada wada-shaqeynta ICC.
Si kastaba ha ahaatee, mowqifka Marcos ayaa si tartiib ah isu beddelay kaddib markii xariirka u dhexeeya qoysaska awoodda badan ee Duterte iyo Marcos uu sii xumaaday.
Wuxuu sheegay in Manila ay raaci doonto waajibaadka ka saaran xubinimada Interpol, haddii ICC ay weydiisato caawimaad Interpol si loo xiro Duterte.
Maxaa dhici doona hadda?
Kristina Conti, oo ah qareen Filibiin u dhalatay oo ka shaqeysa difaaca kiisaska ICC, ayaa sheegtay in ay suuragal tahay in Duterte lagu qaado diyaarada ugu horreysa loona gudbiyo xabsi “ugu dhow” xarunta ICC ee Hague, Netherlands.
Waxay sheegtay in warqadda xarigiisa ay si cad u farayso saraakiisha fuliyay amarka inay “geeyaan eedeysanaha maxkamadda, taasoo ku taalla Hague.”
Muxuu Duterte ka yiri kiiskan?
Markii dacwadda la xiriirta dagaalkii daroogada loo gudbiyay ICC, Duterte wuxuu ku adkeystay in maxkamaddu aysan awood sharci ah ku lahayn Filibiin, isla markaana uu ogolaan doono in la xiro oo kaliya haddii maxkamad Filibiin ah ay dacweyso.
Axaddii, xilli uu kula hadlayay boqolaal taageerayaal ah oo ku sugnaa Hong Kong, Duterte wuxuu sheegay in ficilladiisii dagaalka daroogada “ay ahaayeen kuwo lagu doonayay in lagu soo celiyo xasillooni iyo nabad,” isagoo ku dooday in wax walba uu u sameeyay “dalkiisa.”
Wuxuu intaas ku daray inuu “aqbalayo” haddii la xiro.
Si kastaba ha ahaatee, Duterte wuxuu si degdeg ah u diiday sharci ahaanshaha xabsigiisa kadib markii la xiray maanta, isagoo muuqaal uu bartiisa bulshada ku baahiyay ku weydiinaya: “Waa maxay sharciga iyo dembiga aan galay? I tusiya sababaha sharci ah ee igu kallifaya inaan halkan joogo.”