30th April 2025  admin  Category :

Muxuu yahay Fayruska laga qaado jiirka ee loo dhinto?

Betsy Arakawa waa xaaska aktarka caanka ah ee Gene Hackman, waxay u geeriyootay xanuun dhinaca neefmareenka ah kaas oo lala xiriirinayo fayruska loo yaqaan hantafayrus.

Fayruskan waa mid naadir ah oo laga qaado xaywaanada sida jiirka sidaasina waxaa sheegay mas’uuliyiinta baareysay.

Khubarada caafimaadka waxay ka digeen in astaamaha hantafayrus uu la mid yahay sida hargabka marka ay ku soo gaaraan dhacaanka jiirka. Dhibaatada ugu weyn ee aad kala kulmi karto fayruskan waa in aad qaado xanuunada loo geeriyooda ee ku dhaca sambabaha.

Baarayaasha caafimaadka waxay aaminsan yihiin in Ms Arakawa ay qaaday fayruska kaas oo keenay geerideeda.

Waxaa la aaminsan yahay in ay geeriyootay toddobaad ka hor geerid ninkeeda oo qabay cudurka asaasaqa heerka ugu sareeya. Waxaa meydka lamaanaha ay ka heleen mas’uuliyiinta gurigooda oo ku yaal New Mexico bishii la soo dhaafay.

Hadaba maxaan ka ognahay fayruskan magaciisa lagu sheegay hantafayrus?

Hantafayrus waa nooc ka mid ah fayrusyada kaas oo laga qaado noocyada jiirka. Inta badan waxa uu qofka ku qaadaa fayruska in uu neef ahaan u qaato walxo ka mid ah dhacaanka jirka oo qalalay.

Inta badan caabuqa waxa uu yimaadaa marka uu hawada galo fayruska ka yimaada kaadidada jiirka ama waxa kale ee dhacaan ah ee isaga ka soo baxa sida ay sheegtay xarunta xakameynta iyo ka hortaga cudurada ee CDC.

Inkastoo uu yahay Fayrus naadir ah hadana waxaa laga qaadi karaa qaniinyada jiirka ama hadii uu ku xagto.

Waqooyiga Ameerika, jiirka nooc yar yar ayaa inta badan fayruska gudbiya sida ay sheegtay xarunta caafimaadka ee Mayo.

Fayruska wuxuu keenaa labo xanuun oo aad u dran. Kan ugu horeeya waa mid ku dhaca sambabaha oo ah kan ugu caansan dalka Mareykanka, waana kan keenay geerida Ms Arakawa sida ay sheegeen mas’uuliyiinta ku shaqada leh.

Astaamaha ugu horeeya ee lagu garto in qofku qaaday fayruska waa daal, qandho, murqo xanuun kaddibna madaxa ayaa xanuuna qofka. Calamadaas kaddib qofka wuxuu dareemaa wareer, dhaxan iyo calool xanuun. Hadii qofka dhibto neefta uu qaado waxaa suuragal in in boqolkiiba 38 uu u dhinto sida ay sheegtay xarunt CDC.

Xanuunka kale ee laga qaado fayruska waa in qofka uu qaadaa qandho dhiig wadata. Waa nooca aadka u daran, waxayna saameysaa kilyaha qofka.

jilaa

Imisa kiis oo fayruska Hantavirus ayaa laga soo sheegay Mareykanka iyo adduunka?

Xarunta xakameynta iyo ka hortag acudurada CDC waxay sheegtay 864 kiis oo fayruskaas ah in laga helay Mareykanka intii u dhexeysay 1993-dii ilaa iyo 2022.

Inta badan kiisaska waxaa laga helay dhulka miyiga ee gobolada California, Washington, Arizona, New Mexico and Colorado.

Hay’ada waxay bilowday in ay la socoto fayruska sanadkii 1993-dii. Xiligaas waxaa ka dilaacay Mareykanka xanuun neefsashada la xiriira oo aad u darnaa.

Waqtigaas waxaa sanad kasta adduunka lagu arkayay 150,000 kiis oo ah nooca qandhada dhiiga wdata leh sida laga soo xigtay machadyada caafimaadka adduunka. In ka badan kala bar waxay ka dhacayeen Shiinaha.

Sidee loo daaweeya fayruskan?

Ma jiro daaweyn gaar ah uu leeyahay caabuqyada fayruska hantafayrus. Waxa kaliya oo lagu taliyay ayaa ah in qofka la daryeelo si wax looga qabto xanuunkiisa.

Bukaanada aadka u daran waxaa suuragal ah in ay u baahdaan in la dhigo isbitaalka qeybta daryeelka gaarka. Bukaanada qaar waxaa laga yabaa in ay u baahdan in lagu xiro qalabka lagu neefsado.

CDC waxay ku talisay in aan loo dhawaan jiirka jooga guryaha iyo goobaha shaqada si looga fogaado fayruska. Sidoo kale waxay sheegeen in la xiro meelaha uu jiirka ka soo galo guryaha.

In la xirto qalabka ka hortaga marka la nadiifinayo meelaha uu gaaro dhaceenkaasi ayaa sidoo kale la soo jeediyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*