
23rd February 2025 admin Category :

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Mudane ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ ๐๐๐ฒ๐๐ข๐ข๐ ๐๐ข๐ซ๐ข๐ซ, ayaa maanta salaadda Jimce kula tukaday shacabka Muslimiinta ee mid ka mid ah masaajidda magaalada Boosaaso. Kadib salaadda, Wasiirku waxa uu kulamo gaar-gaar ah la yeeshay culimada masjidka iyo dadweynihii Muslimiinta ahaa ee halkaas ku sugnaa.
Wasiirku waxa uu jeediyey khudbad muhiim ah oo dhammaan khuseysay **Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Puntland**, isagoo si qoto dheer uga hadlay qodobbadan:
๐๐๐ซ๐๐๐๐ซ๐๐ง ๐๐ฎ ๐๐๐๐๐๐ง ๐๐ฎ๐ฅ๐ข๐ฆ๐๐๐ & ๐๐๐ฌโ๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐ข๐ฒ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ง๐๐๐ฌ๐ข๐ ๐ โ Wasiirka ayaa culimada iyo ganacsatada ku dhiirrigeliyey inay si dhow ula shaqeeyaan laamaha ammaanka, loogana baahan yahay inay ka feejignaadaan cid kasta oo aan la garanayn shaqada ay qabanayso. Waxa uu si gaar ah u xusay in qof walba oo ajnabi ah ama shaqaale ah la hubiyo, xog rasmi ahna laga keeno, halkii lagu koobi lahaa ereyo fudud sida โโ๐ฐ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ฎ ๐ฒ๐๐ก๐๐ฒ ๐ฌ๐ก๐๐ช๐๐๐ฅ๐”.
๐๐ฆ๐๐๐ง & ๐๐จ๐ ๐๐๐๐ข๐ง ๐๐๐๐๐๐ก๐ ๐๐๐๐ซ ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐๐ง๐ โ Wasiirka ayaa si weyn u amaanay doorka ay haweenka reer Puntland kaga jiraan Halganka Ciribtirka argigixisada Puntland,
, iyo sugidda amniga guud ee bulshadooda.
๐๐ ๐ฎ ๐๐๐ฆ๐๐๐ฒ๐ง ๐๐ก๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐ข๐ ๐๐ฅ๐ข๐ง & ๐๐๐ซ๐๐ ๐๐ฌ๐ญ๐๐๐ ๐๐ข๐ข๐๐๐ฆ๐๐๐ ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐๐ง๐โ Wasiirku waxa uu si weyn u boorriyey geesiyaasha ciidamada Puntland ee naf-hurnimada u sameynaya sugidda amniga iyo ciribtirka argagixisada. Waxa uu shacabka Puntland ugu baaqay inay garab istaagaan ciidamada si loo xaqiijiyo Ammaanka Puntland.
๐๐ ๐ฎ ๐๐๐ฆ๐๐๐ฒ๐ง, culimada iyo ummadda Muslimiinta ee masjidka joogtay ayaa si weyn u soo dhaweeyey khudbadda Wasiirka, iyagoo si buuxda u taageeray goโaanka dowladda ee la dagaallanka argagixisada iyo sugidda amniga Puntland.