![](https://allsanaag.com/wp-content/uploads/2025/02/9f2c1488-aab8-47c8-9b02-70c7f2570927_cx0_cy4_cw0_w1597_r1-624x351.jpg)
12th February 2025 admin Category :
Ciidamada Puntland oo guulo ka gaaray dagaalka Daacish
Afhayeenka ciidamada Puntland, General Maxamuud Maxamed Faadhigo, oo ka hadlay xaaladda dagaalka ay ciidamada Puntland kula jiraan kooxda Daacish, ayaa VOA u sheegay in labadii maalmood ee la soo dhaafay ay xaaladda goobihii lagu dagaallamay afartii bishan ay degganeyd oo aysan dhicin wax dagaal ah.
Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in 115 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Daacish ay ku dileen dagaalladaasi. Isagoo dhinaca kalena sheegay in ciidamada Puntland ay ka dhinteen 27 askari, in ka badan 60 askarina uu dhaawacyo ka soo gaaray, oo uu ka mid yahay taliye ku xigeenkii ciidamada Daraawiishta Puntland.