31st January 2025  admin  Category :

Faahfaahin ka soo baxaysa dagaalka ka dhacay Dacawaley

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaallo culus oo ka dhacay deegaanka Dacawley ee degmada Xarshin ee gobolka Faafan ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Inkastoo xogta laga heli karo halka dagaalku ka socdo ay adag tahay sababo la xiriira isgaarsiinta oo go’an, haddana waxaa la soo sheegayaa in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhawaac uu jiro.

Dagaalku waxaa uu bilowday subaxii hore ee Arbacada, waxaana wararku ay sheegayaan inuu u dhaxeeyo ciidamada ammaanka ee dowlad deegaanka iyo shacab hubeysan.

BBC-da ayaa la hadashay ilo kala duwan oo ku kala sugan Hargeysa iyo Jigjiga kuwaas oo nala wadaagay xogtaan.

Warku waxaa uu intaa ku darayaa in labada dhinac la kala geeyay dhaawacyo iyo meydad dagaalka ku soo dhintay.

Dhanka Somaliland degmada Baligubadle ayaa lagu soo waramayaa in dhaawacayada badankood la geeyay, halka qaar kalena loo qaaday dhanka Jigjiga oo ilaa shan ka mid ah gawaarida gurmadka degdeg ah ay halkaasi geeyeen dad dagaalka ku soo dhaawacmay.

Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland oo war ka soo saartay dagaalka Dacawlay ka socda ayaa cambaareysay wax ay ku tilmaantay “xasuuq”, iyadoo ku eedeysay ciidamada booliska ee dowlad deegaanka “in ay xasuuq u gaysteen dad shacab ah”.

“Xukuumadda waxaa ay cambaaraynaysaa Xasuuqa ay degaanka Dacawaley ee Maamulka Soomalida Itoobiya ay ka geysteen Ciidamada Liyuu Booliska, kuwaas oo xasuuq u geystey dad shacab ah oo xoolo dhaqato ah, arrintaasoo ka soo horjeedda xaquuqda aadanaha iyo hanaanka Dawladnimo,” ayaa lagu yiri warka Somaliland ay soo saartay.

War-saxaafadeedka uu soo saaray wasiirka amniga gudaha Somaliland ayaa lagu yiri.

“Cabdalle Maxamed Carab oo ka masuul ah amniga Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, kuna hadlaya afka Xukuumadda waxaa uu cambaaraynayaa Xasuuqa ay degaanka Dacawaley ee Maamulka Soomalida Itoobiya ay ka geysteen Ciidamada Liyuu Booliska, kuwaas oo xasuuq u geystey dad shacab ah oo xoolo dhaqato ah, arrintaasoo ka soo horjeedda xaquuqda aadanaha iyo hanaanka Dawladnimo,”.


Xigashada Sawirka,BARAHA BULSHADAQoraalka sawirka,Halkaan waa degmada Baligubadlle markii dhaawacyada la soo gaarsiiyay

Xukuumadda Somaliland ayaa warkeeda ku sheegtay in madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar uu u sheegay inuu ka xun yahay waxa ka dhacay Dacawalay.

“Madaxweynaha Maamuulka Soomaalidda Itoobiya, ayaa Xukuumadda Jamhuuriyadda u caddeeyey sida uu uga xun yahay falalka foosha xun ee ka dhacay Degaanka Dacawalay,”.

Sidoo kale Somaliland waxaa ay sheegtay in ciidamada deegaanku ay qafaasheen odayaal ka soo jeeda dhanka Somaliland oo halkaa u tagay waan-waan xaaladda lagu dejinayo: “Ciidamada Liyuu Booliska ayaa Degaanka Dacawalay ka afduubay Madax-dhaqameed ka soo jeedda Somaliland, kuwaasoo halkaa u tegey ka shaqaynta Nabadda iyo daminta Colaadda halkaa ka dhacday maalmihii u danbeeyey, taasoo ah gef iyo xadgudub cad”.

Waxaa intaas lagu dary in Somaliland ay xiriir la sameysay dowladda federaalka Itoobiya, isla markaana labada dhinac ay berri ka wada hadli doonaan xaaladda colaadeed ee halkaasi ka jirta, iyadoo kulankoodu uu ka dhici doono xadka ay wadaagaan.

Dhanka dowlad deegaanka mas’uuliyiinta dowladda oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay nagala hadlaan arrintaan ku saabsan dagaalka iyo waxa halkaa ka socda. Balse Xafiiska Nabadgalyada dowlad deegaanka oo horey uga hadlay markii isku dhacyadaan ay bilowdeen ayaa qoraal ay soo saareen waxaa uu u dhignaa sidaan: “Waxaa ay dableey hubaysan weerar ku soo qaadeen, xubnihii ciidanka booliska deegaanka, ee ahaa ilaalada hogaaminta iyo booliskii joogay goobta, waxaana lalaayay ciidan booliis ah lana dhaawacay saraakiil dawladeed”.

Sidoo kale warka ka soo baxay mas’uuliyiinta nabadgalyada deegaanka ayaa lagu sheegay :”Waxaa jirtay asbuucyadii aan soo dhaafnay in lagu dilay hogaankii nabadgalyada degmada yoocaale iyo laba qof oo shacab ah dhulka u dhexeeya qabalaha dacawaleey ee degmada xarshin gobolka faafan iyo qabalaha duudbaydaale ee degmada yoocaale gobolka jarar, dilkaasi oo ay gaysteen dableey hubaysan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*