11th November 2024  admin  Category :

Muxuu yahay kulanka warbaahinta Iiran ku sheegtay “mid naadir ah”oo ay yeesheen Sucuudiga iyo Iiran

Wafdi heer sare ah oo ka socda militariga Sacuudiga ayaa booqasho naadir ah ku tagay dalka Iran, waxaana ay la kulmeen saraakiisha ciidamada Iran oo ay ka wada hadleen xiriirka milatari ee labada dal, sida ay sheegtay warbaahinta Iran.

Waaxda xiriirka dadweynaha ee guud ee ciidamada qalabka sida ee Iran ayaa shaacisay in taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Sacuudiga, Lieutenant General Fayyadh bin Hamed Al-Ruwaili, uu la kulmay taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Iran. , Major General Mohammad Bagheri, si ay uga wada hadlaan xiriirka labada dal iyo xiriirka difaaca.

Warbaahinta Iran ayaa ku tilmaantay booqashadan mid naadir ah, waxayna sheegtay in xiriirkii ugu dambeeyay ee militari oo toos ah oo dhexmara madaxda militariga Sacuudiga iyo Iran uu ahaa xiriir dhanka taleefoonka ah bishii December ee sanadkii 2023-kii, kaasoo dhexmaray Major General Baqeri iyo Wasiirka Difaaca Sacuudiga Khalid bin Salman.

Madaxda ayaa barigaas ka wada hadlay horumarka gobolka, kor u qaadista heerka iskaashiga difaaca ee ciidamada qalabka sida ee labada dal, iyo arrimaha muhiimka ah ee caalamka Islaamka.

Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ayaa hadal kooban oo ay soo saartay laguna qoray barta X, oo horey loo oran jiray Twiter, ku sheegtay in “Iyadoo uu jihada hogaanku hagayo, in guddoomiyaha taliyeyaasha ciidamada isku dhafka ah uu booqdo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, wuxuuna la kulmay Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Iiraan. “

Waxaa intaa la raaciyey in intii uu socday kulankaasi lagu lafa guray fursadaha horumarinta xiriirka labada dal ee dhinacyada militariga iyo difaaca, taasi oo ka qeyb qaadaneysa horumarinta amniga iyo xasiloonida gobolka.

Booqashada milatariga Sacuudiga waxay timid labo maalmood kadib markii sarkaal iyo askari Sacuudi ah lagu dilay, mid kalena lagu dhaawacay weerar lagu qaaday xero ay ku sugnaayeen n ciidamo Sacuudi ah oo ku taalla gobolka Xadramowtee Yemen. Maamulka Yemen ayaa ku eedeeyay kooxda falkaa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*