22nd November 2024  admin  Category :

Sida ay shawarma u horseedday khilaaf u dhexeeya Turkiga iyo Jarmalka?

Dowladda Turkiga ayaa ka codsatay guddiga Midowga Yurub in ay cuntada loo yaqaan “Shawarma” aqoonsadaan in asalkeeda Turkiga yahay oo ay u diiwaan geliyaan sida wax soo saarka dhaqameed ee magaciisa ku jira wadamada Midowga Yurub. Cuntadan fudud aoo dad badani ay jecel yihiin inay cunaan xilliyada habeenkii ayaa noqotay mowduuca aadka looga hadlayo Jarmalka hadda.

Haddii ay jiraan hal shay oo mideeya dadka ree Baarliin, waa dareenkooda shawarmada. Qof kasta, laga bilaabo shaqaalaha xafiiska ee raadinaya qado degdeg ah, ilaa carruurta u socota guriga, iyo kuwa fiidka sii qaadanaya, waxay ku hakadan makhaayadaha shawarmada ee magaalada.

Waa nooc Jarmal ah oo shawarma-dhaqameedka Turkigana ah, tas oo loogu daray isla nooca hilibka lo’da ee ay jecel yihiin iyadoo sidoo kalana dhinac kale bariis iyo salad laga saarayo.

Haddii ay dawladda Turkigu ku guulaysato hadafkeeda, makhaayad kasta oo shawarma ah oo ku taal Jarmalka, oo tiro ahaan ka badan kun, inta ku taal Berlin oo keliya, sida laga soo xigtay mareegaha “Zur Berlin”, ayaa laga yaabaa in laga mamnuuco iibinta shawarma ee magacan.

Xayeysiin

Dowladda Turkiga ayaa dhawaan ka codsatay guddiga Yurub inay shawarmada u aqoonsadaan cunno dhaqameed Turki ah, taasoo Ankara siin doonta maqaam la mid ah sidii pizza Napolitan-ka ee Talyaaniga ama hilibka doofaarka ee Spain.

Wasaaradda Cunnada iyo Beeraha ee dawladda Faderaalka ee Jarmalka ayaa ka mid ahayd 11 hay’adood oo ka soo horjeestay codsiga Turkiga, afhayeen u hadlay wasaaradda ayaa BBC-da u sheegay: “Waan ka war-helnay codsiga Turkiga, waana la yaabnay

Guddiga Midowga Yurub ayaa ugu baaqay dowladaha Turkiga iyo Jarmalka inay wadahadlaan si loo xal gaaro
Qoraalka sawirka,Guddiga Midowga Yurub ayaa ugu baaqay dowladaha Turkiga iyo Jarmalka inay wadahadlaan si loo xal gaaro

War saxaafadeedka ayaa intaas ku daray: “Sannadwijka shawarma waa qayb ka mid ah cunnada Jarmalka, hababka loo diyaariyo waa kala duwan yihiin si ka tarjumaysa kala duwanaanta waddankeena, taasna waa in la ilaaliyo.”

“Waxaan aad u daneyneynaa inaan hubinno in shawarma ay baaqi kusii ahaato si la mid ah sida halkan loogu diyaariyey, ,” ayuu yiri.

Mareegta “Zur Berlin” waxa ay sheegtay in habka Berlin ay u samayso shawarma, oo dhammaan magaalooyinka Jarmalku ay qaataan, ay soo bilaabatay horraantii 1970-aadkii, laba nin oo kala duwanina waxa ay sheegeen in ay yihiin kuwii ugu horreeyay ee sameeya.

Mehmet Aygun iyo Kadir Norman waxay ka mid ahaayeen “shaqaale marti ah” oo Turki ah oo gacan ka geystay kobcinta dhaqaalaha Jarmalka dagaalka ka dib, iyagoo qaatay döner-dhaqameedka Turkiga oo u horumariyay sandwich si fudud loo cuno oo hadda ah awood dhaqaale.

Ururka ay ku bahoobeen Soosaarayaasha Kebab ee Turkiga ee fadhigoodu yahay Berlin ayaa sheegay in iibka kebabka uu ku kacayo 2.3 bilyan oo Yuuro sannadkii gudaha Jarmalka oo keliya, iyo €3.5 bilyan guud ahaan Yurub. Sanwijku wuxuu sidoo kale noqday aalad siyaasadeed: horaantii sanadkan, xisbiga garabka bidix ee Jarmalka Die Linke ayaa ugu baaqay dowladda inay ku soo rogaan qiimo dhimis sandwich-ka, taasoo ay dowladdu diiday.

Deniz Buchholz, oo ka mid ah ka macaamiisha makhaayadda shawarma, ayaa sheegay in sare u qaadida sandwijyada fudud oo la gaadhsiiyo heerka maalinlaha ah ay tahay guul weyn oo ay gaareen jiil ka mid ah ragga Turkiga.

Caddaynta horumarka shawarma waxa laga helay xisaab 1433 ah oo uu qoray Bertrandon de La Brocquer, oo ahaa musaafur Faransiis ah, kaas oo ku tilmaamay inuu la kulmay koox Turki ah oo ku sugan Anatolia kuwaas oo ku martiqaaday inuu hilib ido oo bur lagu duubay.

Guddiga Midowga Yurub ayaa ugu baaqay dowladaha Turkiga iyo Jarmalka inay wadahadlaan si loo xal gaaro, balse heshiis kasta ayaa laga yaabaa inuu saameyn ku yeesho caalamka, maadaama shawarma ay noqotay mid ka mid ah waxyaabaha ugu caansan Turkiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*