22nd October 2024  admin  Category :

Waa kuma wasiirka cusub ee arrimaha dibadda ee Itoobiya?

Raii’sul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Dr Gideon Timothy u magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, kadib isku shaandheyn uu ku sameeyay golaha wasiirrada.

Kahor inta aan loo magacaabin Wasiirka Arrimaha Dibadda, Gideon Timothy waxa uu ahaa Wasiirka Cadaaladda ee dalka Itoobiya.

Gideon ayaa ra’iisul wasaare Abiy u magacaabay inuu hoggaamiyo wasaaraddaasi kadib magacaabistii danjire Taye Atsik Selassie loo magacaabay ra’iisul wasaare ku xigeenka Itoobiya.

Magacaabidda Dr Gideon ayaa ku soo beegmaysa xilli Itoobiya ay xiisad kala dhaxeeyso qaar ka mid ah dalalka dariska.

Xiisaddahaasi waxaa ugu wayn midda kala dhaxeeysa Soomaaliya ee ku saabsan heshiiska muranka dhaliyay ee badda. Itoobiya iyo Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqaday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa heshiis is afgarad ah oo ku saabsan badda kala saxiixday horraantii bishii January.

Soomaaliya ayaa aad uga carootay heshiiskaas iyadoo Itoobiya ku eedeysay faragelinta geyigeeda.

Taye Atsik Selassie oo horey u ahaa wasiirka arrimaha dibadda ayaa aad ugu howlanaa wadahadaladii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya.

Ambassador Taye Asqesillase ayaa sidoo kale sanado badan ahaa Safiirka Itoobiya u fadhiya Qaramada Midoobay

Dr Gideon waa xubin ka tirsan Golaha Dhexe ee xisbiga Barwaaqo-, wuxuuna ka mid yahay dhalinyaradii xilalka loo dhiibay ee xukuumadda soo galay ka dib markii uu xukunka la wareegay Ra’iisul Wasaare Abiy.

Markii hore, Dr. Gideon waxa uu soo noqday Xeer Ilaaliyaha Guud , waxaana uu ka mid ahaa ergadii ay dowladda u qaabilsanaa wada xaajoodyadii TPLF ee Pretoria ee lagu soo afjarayay dagaalkii Tigray.

Waa nin ay aad isugu dhow yihiin ra’iisul wasaaraha imika xilka haya ee Dr Abiy Axmed.

Dr Gideon oo khibrad durugsan u leh arrimaha sharciga ayaa bare dhanka sharciga ah ka ahaa Jaamacadda Addis Ababa, Jaamacadda Hawassa iyo Jaamacado kale.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa ah mid muhiim u ah diblamaasiyadda iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee dowladda, iyadoo haatan ay Itoobiya khilaaf diblomaasiyadeed uu soo kala dhex galay dalalka deriskeeda ah.

Dr Gideon wali horey uma soo qaban xil la xiriira arrimaha dibadda, balse waa khabiir dhanka sharciga ku xeel-dheer.

Wasiirrada kale ee la magacaabay

Itoobiya

Marka laga soo tago Gideon, Ra’iisul Wasaare Abiy waxa uu Wasiirka Dalxiiska u magacaabay Mrs. Seifit Kasan oo ahayd Xoghayihii Wasaaradda Isgaarsiinta Dowladda, halka Marwo Hana Araya Selasen loo magacaabay Wasiirka Dalxiiska iyo Cadaalada oo lagu bedelay Gedion Timotios.

Mrs. Seifit Kassa waxa ay xubin ka tahay golaha deegaanka Addis Ababa, ka hor inta aysan noqon wasiiru dowlaha isgaarsiinta, waana weriye ka soo shaqeysay Fana Broadcasting iyo warbaahinno kale.

Marwo Hana Araya Selasse waxa ay hore u soo noqotay maareeyaha Boostada Itoobiya iyo komishanka Komishanka Maalgashiga Itoobiya.

Ma aha isbadalkii ugu horeeyay ee uu rai’sul wasaare abiy sameeyo mudooyiinkii u dambeeyay ee waxaa jiray sidoo kale in 7 bishan uu Taye Asqasillase u magacabay madaxwaynaha Itoobiya.

Xilka madaxwaynaha dalka Itoobiya waa mid aanan awood badan lahayn islamarkana waxaa awoodda ugu badan leh rai’sul wasaaraha dalka.

Sahle-Work Zewde oo ahayd madaxynihii dhawaan xilka ak dagtay ayaa la sheegay in ay isku dhaceen rai’sul wasaare abiy Axmed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*