15th October 2024  admin  Category :

Allah ha u naxariistee Cabdi fataax Cabdulaahi Cabdiraxman intaanu dhiman ma ogaa waxa uu ku salaysan yahay mudaharaadkii isaga iyoo caruurtii la midka ahaa ee maanta degmada Badhan ku banaan bxayey oo isaga lagu dilay

Cabdiraxmaan wuxuu ka soo jeeday beesha Majeerteen, wuxuuna ka mid ahaa dhalinyaro maanta loogu yeedhay banaan bax lagu sheegay in lagu soo dhoweenayo siyaasi hore oo Somalilnd ah, oo hadda Mashruuc ku soo qaatay burburka Puntlnad iyo sidii laysaga hor keeni lahaa beelaha walaalaha ee wada degan ee Majeerteen iyo Warsangeli.

Mashruucan loogu talo galay in Puntland lagu burburinayo ayaa waxa maal geliya xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ,oo u wakiishay xildhibaanka aqalka sare ee beesha Warsangeli Saynab Ismaaciil. Halka xafiiska uu ugu wakiil yahay nin dhalinyaro ah oolagu magcaabo Shiine Culay

inta badan siyaasiyiinta Koonfurta Soomaaliya waa la kulmeen horgaladan Mashruucan lagu bur burinayo Puntlland oo loogu gogol xarayo in Soomaalidu wax u qaybsadaan Waqooyi iyo Koonfur oo Majeerteen iyo Warsangeli labada dhinac la kala raaciyo waana sababta siyaasiyiinta Hawiye iyo Isaaq ay kalsoonida ugu qabaan Horgaladdi hore ee la soo shaqeeyey sida Gudoomiyaha cusub e ee Maakhirta Buulo Xuubeey

Mukhtaar, oo isagu maanta ka mid ahaa dadkii ku soo dhweeyey Badhan Kooxdan Muqdisho laga soo diray isagunà Somaliland ayuu la soo shaqaysan jiray.

Marka laga reebo caruurtii iyo dumarkii beenta loo sheegay oo banaanka loo soo saaray maanta , oo uu ka mid ahaa Cabdi fataax oo lagu dilay banaan baxan nashruuca beeshiisa Majeerteen lagu colaadinayo ee Muqdisho laga keenay, waxay u soo wada shaqeeyeen maamulka Somaliland. Waxaana sida la sheegay toos looga daawanayey banaan baxan siyaasadaysa ee la soo xawilay xafiisyada madaxda Soomaaliya oo qaar ka soo jeeda gobolka Sanaag ay talafoonadooda dawasinayeen

Ugu danbayntii Cabdiraxmaan Dhoore waxa ka horeeyey Sheekh lagu magcaabi jiray Atom oo Mashruucan oo kale horsy u soo qaatay , Boqololaal Warsangeli ah markii la dilay oo dhulkii sida Galgala la dhaxal wareejiyey ayuu u casiir doontay Khaliijka. TAARIKHDA WAA IN WAX LAGA BARTAA

Allsanaag.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*