20th September 2024  admin  Category :

Badhan, 20, September, 2024: Wasiirka wasaraadda caafimaadka Dawladda Puntland Siciid Jamac Qorsheel ayaa maanta ku wehelinayay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said iyo wafti uu hogaaminayay koor ay ku tageen xarunta wasaaradda caafimaadka gobolka Sanaag, Cisbitaalka Degmada iyo Xarumaha Hooyada Dhalaanka (MCH-ka), Badhan health centre, Geeldora health centre iyo Machadka umulisoyinka iyo kalkaliyasha sanaag,masuuliyiinta xarumaha ay booqdeen ayaa uga warbixiyay guud ahaan adeega ay bixiyaan iyo waxa ka dhiman iyo sida dawladdu wax ugala qaban lahayd qorshahooda horumarinta.

Gudoomiyaha ayaa wasaaradda caafimaadka iyo bulshada uga mahadceliyay waxqabadka iyo dadaalka socda qaybna ka ah gaaritaanka horumar iyo hiigsi waara oo lagu daboolayo baahiyaha asaasiga ah.Waxaan Bulshada iyo masuuliyiintaba uga mahadcelinayaa waxqabadka iyo dedaalada iskutashi ee ay qeybta ka yihiin si loo gaaro horumar iyo hiigsi waara oo lagu daboolayo baahiyaha aasaasiga ah.

Wasiirka waxaa booqashadiisa qayb ka ahaa agaasimaha qorshaynta wasaaradda caafimaadka Mudane Idiris Abdulaahi Mohamed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*