20th September 2024  admin  Category :

Heshiis hordhac ah oo laga gaaray khilaafkii koofur galbeed iyo dawladda federaalka

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in heshiis hordhac ah laga gaaray khilaaf soo kala dhex galay maamulka koofur galbeed iyo dawladda federaalka.

Arrintan ayaa sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen BBC waxaa ka shaqeeyey xubno uu ugu cadcaddaa taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliya Gen. Mahad Cabdiraxmaan oo khilaafka dartiis u tegey Baydhabo.

Ilahaas ayaa intaa ku daray in jeneraalka iyo madaxweynaha koofur galbeed ay laba maalmood oo xiriir ah ku wada hadlayeen magaalada Baydhabo, ayagoo ugu dambayntiina isku afgartay dhowr qodob oo hordhac, waxaana ka mid ah:

– In madaxweynaha koofur galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen uu tago magaalada Muqdisho, uuna ka qayb galo shirka madasha ee la filayo inuu Muqdisho ka dhaco 25ka Bishan.

xiisadda iyo hadallada xanafta leh la dejiyo, wixii dhimanna Muqdisho lagu dhameeyo.

– In duullimaadyada iyo isu socodka koofur galbeed gudaheeda iyo koofur galbeed iyo Muqdisho sidoodii caadiga ahaa ay ahaadaan oo aan la carqaladayn.

Jeneraal Mahad oo ay aad isugu dhow yihiin madaxweyne Lafta gareen ayaa intii uusan Baydhabo tegin magaalada Muqdisho wadahadal kula soo yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Maxay isku hayaan dowladda federaalka iyo Koonfur galbeed?

.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isku dayaya in madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen lagu qanciyo in uu Muqdisho yimaado si wadahadallo dheeraad ah looga yeesho arimaha taagan, taas oo uu ka caga jideyayey Cabdicasii Lafta Gareen.

Arimaha la isku hayo waxa ka mid ah doorashada maamullada, tan Federaalka iyo shirka soo socdo ee wadatshiga Qaran. Wararku wax ay sheegayaan in ilaa iyo hadda aysan wax natiijo ahi kasoo bixin kullamada Taliyaha Ciidamda Asluubta iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Dhanka kale maalinnimadii shalay Safaaradda Maraykanka ee Muqdisha waxa uu kulan ku dhexmaray siyaasayiiin reer koonfur Galbeed ah oo mucaaradsan Madaxweynaha Koonfur Galbeed CabdicasiisLaftagareen iyo safiirka Maraykanka ee Soomaaliya.

Siyaasiyiinta la kulantay safiirka Maraykanka waxa ka mid ahaa Guddoomiyaashii horre ee Baarlmaanka Federaalka ah, Shariif Xasan Shelh Aden iyo Maxamed Mursal, Wasiirki hore ee maaliyada ee Soomaaliya Maxamed Aden Fargeeti iyo xubno kale oo siyaasiyiin ah, waxayna ka wada hadleen arimaha doorashada iyo sidii ay u dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ah.

War kooban oo lagu soo qoray barta ay saffaaradda Maraykanka ku leedahay barta X, ayaa lagu sheegay in ay caafimad u tahay dimuquraadiyadda in la dhageysto hogaamiyaasha mucaardka iyo in la xushmeeyo arigtitooda.

Dhawaan ayay ahayd markii Ra’isulwsaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Bare uu booqsho ku tagay magaalada Baydhabo halkaas oo uu kulan kula yeeshay Madaxweynaha koonfur Galbeed.

Maxayanu ka naqaannaa dhexdhexaadiyaha labada dhinac?

Taliye Mahad Cabdiraxmaan Aadan, ayaa la sheegay inuu dhexdhexaadintaas horkacayo, sida ay BBC-du xog ku heshay.

Taliye Mahad ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay Soomaaliya, isaga oo noqday Taliyaha ciidammada Asluubta Soomaaliya, kaas oo mar kalena loo magacaabay sannadkii 2023, welina uu xilka hayo.

Taliye Mahad ayaa sida oo kale ka mid ahaa xildhibaannadii Federaalka ee Baaralamaanka 11aad ee Soomaaliya, taas oo xilkaa banneeyey markii loo magacaabay xilkan uu hadda hayo ee Taliyaha Ciidanka Asluubta.

Sidoo kale Taliye Mahad ayaa aqoon iyo khibrad u leh arrimaha la xidhiidha waajibaadka Ciidanka Asluubta, kaas oo uu hore u soo noqday, Taliyaha Dugsiga Labaatan-Jirrow iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska ee Gobolka Baay.

Waxaana muddoo dheer uu ka tirsanaa ciidanka booliska ee Koonfur Galbeed.

Taliyah Mahad ayaa loo garan og yahay ‘Taliye Shubka’.

Madaxweynahaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftageen ayaa uu sida oo kale kala dhexeeyaa xidhiidh qoysnimo isaga oo ah soddoggii, maadaama Cabdicasiis Laftgareen uu qabo inanta uu dhalay Taliye Mahad, ee Samsam Mahad Cabdiraxmaan.

General Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa caan ku ahaan ka hadalka meelaha fagaaraha ah, waana sarkaal aan la gamban fikradihiisa, kuna firfircoon shaqada ciidanka, sida ay sheegeen dadkii la soo shaqeeyey.

Dib u milicsi: Sidee ayay u dhacday doorashadii Koonfur Galbeed?

Doorashada Koonfur Galbeeda waxaa aad ugu kala qeybsamay siyaasiyiinta iyo bulshada maamulkaasi.

Dadka ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo ay ka mid yihiin wax garadka ayaa in muddo ahba ku celcelinayay in Cabdicasiis Lafta Gareen uu yahay siyaasi ay gadaal ka riixeyso Dowladda Federaalka, iyagoo arrintaasna ku qeexay farogalin lagu sameeyay hannaankii doorashada.

Dad kale waxay ku doodayaan in dowladda dhexe ay waddada u xaadhaysay siyaasigan si uu xilka ugu hanto qaab sahlan.

Waxyaabaha ay ku doodayaan waxaa ka mid ah in labadii siyaasi ee loollanka adag galin lahaa ay meesha ka baxeen.

Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed ayaa is casilay doorashadana isaga hadhay ka dib markii uu ka cawday cadaadis siyaasadeed oo la saaray.

Sidoo kale, maalmo yar ka hor xilliga doorashada loo ballansanaa, waxaa xabsiga loo taxaabay Mukhtaar Roobow, oo loo arkayay inuu ka mid ahaa musharraxiinta ugu cad cad doorashada, shakigana galin karay inuu xilkan ku soo baxo Cabdicasiis Laftagareen.

Waxaana doorashadaas oo muran badan hadheeyey ku guulaystay Cabdicasiis Xassan Maxamed (Laftagareen), isaga oo wakhtigaas helay codad gaadhayo 101 cod halka musharraxii kusoo xigay Aadan Maxamed Nuur Saransoor uu helay 22 cod.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*