19th September 2024  admin  Category :

‘Kala bar cimrigeyga waxaan ku hoyanayey Biriij hoostiis’

Nin biriij hoos jiifa

7 Saacadood ka hor

Isaga oo ku noolaa kala bar noloshiisa, kuna hoos jiray buundada Lagos ee ku taal magaalada ugu weyn Nigeria, ayaa Liya’u Sa’aduayaa waxa uu isku arkaa “ilaaliye” dadka kale ee darbi-jiifka ah ee ku soo biiray halkaas.

In ka badan 60 nin ayeey hadda ka kooban tahay bulshada bannaan jiifka ah oo si adag iskugu xiran, kuwaas oo ah qaar mashquul badan oo sawaxan badan waxayna ku nool yihiin oo ay saaranyihiin buundada Obalende maadaama xitaa aysan awoodin in ay kireystaan guryo cooshado ah.

Mr Sa’adu waxa uu kula taliyaa dadka cusub oo inta badan ah dhalinyaro ka kala yimid magaalooyinka fog fog iyo tuulooyinka – sidii ay u noqon lahaayeen kuwo si wanaagsan ula qabsado Lagos, halkaas oo ay fududahay in lagu galo dambiyo iyo daroogada.

“Anigu waxaan jiraa 60, waxaana jira dhalinyaro halkan timid dhowr bilood ka hor ama dhowr sano ka hor. Waxa aan u arkaa inay tahay mas’uuliyaddayda in aan hoggaamiyo,” ayuu u sheegay BBC-da.

“Aad bay u fududahay in halkan Lagos lagu lumo, gaar ahaan dadka da’da yar, sababtoo ah ma jiro qoys qaadayo mas’uuliyadooda”.

Inta badan dadka ku nool buundada hoosteeda, waxay ku hadlaan Hausa, oo ah luqadda ugu badan ee looga hadlo waqooyiga Nigeria.

Wuxuu halkan yimid sannadkii 1994-kii isaga oo ka yimid magaalada yar ee Zurmi ee ku taal waqooyi-galbeed ee gobolka Zamfara – laakiin dhammaan dadkii uu markaas saaxiibka la ahaa way dhinteen ama waxayba dib ugu noqdeen magaalooyinkoodii ama tuulooyinkoodii.

Tukur Garba, oo bilaabay in uu ku noolaado buundada hoosteeda shan sano ka hor, ayaa sheegay in talada Mr Sa’adu ay ahayd mid aad u qiimo badan waxaana uu kula taliyay dadka halkan ugu yimaado in ay si weyn u ixtiraam, si ay u tijaabiyaan nasiibkooda ku aadan xudunta dhaqaalaha Nigeria.

31-jirkan ayaa ka yimid gobolka fog ee Katsina, oo qiyaastii 1,000km (621 mayl) u jira Lagos.

“Waxa uu la mid yahay walaalkeen naga weyn, waayo waxa uu halkan joogay muddo dheer. Waxa aan u baahannahay erayadiisa xikmada leh, sababtoo ah way fududahay in Lagos dhibaato lagu galo, “ayuu yiri.

Meeshan hadda waxa loo bixiyay “Karkashin Gada”, oo afka Hausa macneheedu yahay “Biriijka hoostiisa”

Dadka Biriijka ku hoos nool

“Dadka halkan yimaadaa way garanayaan qofka halkan jooga ama xiriir la leh ama ka sheekeeya Karkashin Gada,” ayuu yiri Mr Sa’adu.

“Markii aan halkan imid, waxaa joogay dad ka yar 10 qof”.

Adamu Sahara, oo ku noolaa guri ku dhow Karkashin Gada in ka badan 30 sano, ayaa sheegay in hoy la’aanta ay ku sii badanayso Lagos.

“Amni darrada ka dhalatay kacdoonka kooxaha jihaad doonka iyo dhaqaalaha oo liita ayaa ka dhigay dad badan inay ka qaxaan waqooyiga Nigeria,” ayuu yiri Mr Sahara.

“Hogaamiyeyaasha Nigeria waa inay ogaadaan waxa dhacaya si ay u xalliyaan dhibaatada sababtoo ah ma aha in qof bini’aadam ah uu seexdo buundada hoosteeda.”

Qofka ugu mudada dheeraa ee ku noolaa Karkashin Gada qorshaha uguma jirto inuu dib ugu laabto Zamfara iyadoo fursadaha dhaqaale ee halkaas ka jira ay weli mugdi ku jiraan , afduubka iyo burcadnimaduna ay kusii badaneyso.

Arintan ayaa dad badan ku qasabtay in ay isaga tagaan goobahooda ganacsi iyo beerahooda, sababtoo ah ay waxa ay halis ugu jiraan in ay qafaashaan kooxo burcad ah oo dalbanaya madax furasho.

Si noloshu ay ugu noqoto mid raaxo leh, Mr Sa’adu waxa uu helay joodari, gogol, kabar alwaax ah iyo maro kaneeco.

Waxa uu joodarigii dhigtay qeybta sare halkaas oo uu ku seexdo.

Lagos

Sacadu waxa uu ka mid yahay dadka ugu wanaagsan maadaama ragga kale ee halkaa ku nool qaarkood aanay haysan alaab guri, isla markaana ay wadaagaan gogosha lagu seexdo oo ay dhulka ku fidiyaan.

Khatarta xatooyada ayaa aaad u yar “maadaama dadka deggan” Karkashin Gada ay inta badan joogaan, ama ka shaqeeyaan ama ay ku qaataan waqtigooda fasaxa.

Dhammaantood waxay isticmaalaan musqulaha dadweynaha iyo musqul u dhow oo ay ku kacaysa 100 naira ($0.06) halkii booqasho.

Cunta karinta iyo dabka shidan ayaa naadir ku ah halkan Karkashin Gade , maadaama inta badna dadka deggan ay cunta ka ibsadaan ganacsatada kuwaas oo iibiya cuntooyin caan ah.

“Tani waa meel ka mid ah Lagos halkaas oo ay joogaan tiro badan oo dad ah oo ka yimid waqooyiga Nigeria sidaa darteed waxaan halkan ku iibiyaa cuntooyin bur iyo messego la isku daray oo lagu sii qasay caano la fariisiyay, waan ku faraxsanahay in aan iraahdo dad badan ayaa iibsada,” Caa’isha Haadi oo cuntada iibisa ayaa sidaasi u sheegtay BBC.

Ma cadda inta qof ee seexata waddooyinka Lagos, laakiin ururrada aan dowliga ahayn ayaa sheegaya in ay gaarayaan ilaa nus milyan.

Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay, bulshada Karkashin Gada ayaa waxay la kulmeen cadaadis xooggan oo kaga imaanaya guddiga deegaanka ee gobolka Lagos.

Saraakiisha ayaa xilliyada qaar fuliya howlgallo maadaama ay sheegeen in dadka ay si sharci darro ah ugu nool yihiin halkaasi.

Kuwa la xiray waxay halis ugu jiraan ganaax dhan 20,000 naira ($12),taas oo u dhiganta, dakhliga soo gala usbuucii, qaar badan oo ka mid ah dadka ku hoos nool buundada.

“Waxay yimaadaan abbaarahii 1da aroornimo ama 2da aroornimo, si ay u qabtaan dadka halkan hurda. Xaggee bay rabaan inaan aadno” Mr Garba ayaa sidaasi yiri, isaga oo intaa ku daray in subaxii “dadka halkan deggan” badankoodu ay soo laabtaan .

Waxa uu ku boorriyay dowladda inay u naxariisato, iyo “in ay eegto arrinta guryaha si dadka saboolka ah ee annaga oo kale ah ay u helaan meelo wanaagsan oo ay ku noolaadaan”.

Laakiin Nigeria, dawladdu ma siiso hoy dadka gurya la’aanta ah. Mana jiro wax qorshe ah oo wax looga qabanayo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*