19th September 2024  admin  Category :

Shirkii xaafadda Muqdisho uga socday koox mucaarad ah oo soo dhamaaday.

Magaalada Muqdisho èe xarunta Soomaaliya, oo maàlmihiii ugu danbeeyey lagu xayeesinayey inuu ka furmi doono shir ay leeyihiin reer Maakhir ayaa maanta markii uu furmay wuxuu yeeshay weji kale oo ka duwan kii horay loogu shegay.

Shirkan lagu sheegay Shir Warsangeli., Oo hadana aan lagu qabanayn degaankii beeshu deganayd oo nabad ah ayaa markii horeba shaki laga muujiyey iyo inay ujeedooyin qarsoon uu leeyahay, hase ahaatee wixii jirayba waxay banaanka yimaadeen markii shirku furmay.

Dadkii ka soo qayb galay shirkii maanta waxay isugu jireen mucaarad Puntlnad iyo mucaarad madaxweyne Deni, waxaana ka mid ahaa siyaasiyiin xilal sare ka haya dawladda Federaalka Soomaaliya iyo isimo ka soo jeeda Puntlnay ad oo xiriir fiican la leh siyaasiyiinta Konfureed.

Siyaasiyiintii ka soo qayb galay shirkiì maanta waxa ka mid ahaa Senator Maxamed Cali Yusuf (Gaagaab) oo ka soo jeeda beesha Majeerteen oo siyaasada beshooda ay isku hayaan madaxweyne Deni. Hase ahaatee aan la garanayn wejiga uu ku yimid shirka la sheegay in reer Maakhir qabsanayaan

Sidoo kale waxa shirka ka soo qayb galay Cabdulqaadir Xarago, oo ka soo jeeda beesha Dishiishe, oo ka mid ah Isimada aadka uga soo hor jeeda Deni, xiriir ficana la leh Siyaasiyiinta Koonfureed.

Intaa waxa sii dheer in Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Aqalka-sare Sen Tima-cade , oo mucaarad ku ah Puntland una ololeenaya in la jar jaro maamulkaas inuu shirka u soo diray Saynab Ismaaciil Tiinbiye oo ah  Xildhibaanadda aqalka sare ee beesha Warsangeli ku leeyihiin Baarlamaanka. Waxay muujisay inay mucaarad ku thay dadkii ay metelaysay intooda badnayd iyo maamulkii ay ka tirsanayd.

Shirkan ayaa sida muuqata waxa ka muuqatay in siyaasiyinta beesha Warsangeli ay ujeedada ugu weyn ay ka lahaayeen ahayd inay fariin u diraan madaxda Khaatumo oo u arkaan inay guulaysteen oo ay maamul u samayn karaan awoodiisu si kasta ha ahaadee xitaa haddii Ay xaafadda Kaaraan xarun ka dhiganayaan.

Farinta labaad, oo madadxda shirka qaarkeed ayaa iyaduna ku socotay siyaasiyiinta reer Muqdisho waxayna ahayd haddii i xil lay magcaabo waxaan midayn karaa mucaarad ka beelaha Muqdisho oo madaxweyne Deni badhida dhulka ugu dhufanaynaa

Ugu danbayn hadalka cajiibka ahaa aadkana u raqiiska ahaa wuxu ahaa in Dhulka beesha Warsangeli ay degto lagu muran san yahay oo ay wax walba ka helyaan bulshadà caalamka marka ay hoos tagaan maamulka Khaatumo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*