19th September 2024  admin  Category :

Hooyadeey waxaa loo sheegay inaan ku dhiman doono laba toddobaad gudahood’

Waxay ahayd habeen caadi ah oo la mid ah habeenada kale, iyadoo sariirta ku jirta gabadh shan jir ah oo aan naafo ahayn ayaa sariirta ku jirtay waanay hurdeysay, si lama filaan ah ayay u soo kacday si ay musqusha u gasho.

Waxa la yaab lehayd, Zena Akuwa, wey istaagi weysay wayna adkaysan wayday oo waxay go’aansatay inay caawinaad weydiisato hooyadeed.

“Hooyaday ayaan wacay si ay ii soo qaado, laakiin iyadoo og inaan ahay gura-dambeyska xaafadda ayay igu tiri ‘iska daa oohinta’ oo suuliga gal, waan istaagay oo aan dhacay”, ayay tiri Zena.

“Waxaan lumiyay awoodii aan ku istaagi lahaa, lugahaygu gabi ahaanba way daciifeen. Qof walba wuu yaabay xitaa maan fahmin waxa igu dhacaya, waan istaagay oo waxaan dareemayay inaan lugo leeyahay” ayay sii sharaxay.

Waalidkii oo yaaban ayaa go’aan ku gaaray in la geeyo isbitaalka kuwaas oo aad uga walwalsan sidii ay xal ugu heli lahaayeen arrinta ku dhacday.

‘Waxaan miyir daboolmay markii aan joognay Mlimba Morogoro, markii aan soo toosay waxaan isku arkay anigoo ku sugan isbitaalka qaranka ee Muhimbili ee Dares Salaam’.

Baaritaano ka dib, waxa la ogaan kari waayey halka uu ka yimid dhibka Zena maadaama xaaladeedu is beddelayso oo ay gaartay heer indho beel ah.

Xaalada Zena ayaa gaartay heer ay xitaa dhakhaatiirtu ka quustaan badbaadadeeda.

“Waxaa jira dhakhtar u sheegay hooyadeed in ay suurtogal tahay in toddobaad ama laba toddobaad gudahood uu ilmahaagu dhinto sababtoo ah xitaa ma fahmi karno waxa dhibaatadan tahay”.

“Hooyaday waxa ay aad ugu dadaashay xal u helida mushkiladayda. Waxay ku dhibaatootay cisbitaalada, masaajidada iyo kaniisadaha ilaa inta aan bogsanayo”, ayay tiri Zena.

Waana markii uu safarkii naafanimada bilaabmay, waxa ay noqotay qof meel walba loo qaado.

Waxaa ka luntay rajadii ay ku noolaan lahayd, waa ay ka quusatay oo ma aysan fahmin waxa socda. Iyada oo kaashanaysa dhakhaatiir ayay dib u heshay arageeda.

“Indhaha ayaan kala qaaday, miyirkuna wuu ii soo noqday, waxa ugu horreeya ee aan ku iri hooyaday waxay ahayd inaan waydiisto cunto, malaha waa sababta aan u jeclahay inaan wax badan kariyo”, ayay tiri Zena iyadoo dhoola cadeynaysa.

Waxa la yaab leh, Zena Akuwa, wey istaagi weysay wayna adkaysan wayday maalintaas oo waxay go'aansatay inay caawinaad weydiisato hooyadeed.
Qoraalka sawirka,Waxa la yaab leh, Zena Akuwa, wey istaagi weysay wayna adkaysan wayday maalintaas oo waxay go’aansatay inay caawinaad weydiisato hooyadeed.

Noolosha naafanimada

“Waalidkay iyo walaalahay way i jeclaayeen oo way i xanaanayn jireen, aabbahayna wuxuu sharci ka dhigay in haddii walaalahay ay doonayaan inay tamashle tagaan, ay i kaxeeyaan.”

Waxa ay taas ku macneeysay: “Run ahaantii waxaa jirtay mar aan damcay in aan u ciyaaro oo aan u noolaado sida caruurta kale balse hooyaday ayaa iga joojisay oo igu tiri ha tagin adiga bannaanka sababtoo ah naftadaada ayaad wax yeelaysaa, waxa aan arkay in ay i jeceshahay oo ay i ilaalinayso si aanan u dhaawacmin”

“Mararka qaar waxa ay iga hor istaagi jirtay in aan dadka dhex galo, iyada oo markaas ka taxadareysa nolosheyda iyo jacayl ay ii qabto balse ka dib markii ay hooyadeed dhimatay, Zena waxa ay sheegtay in ay aragtay midabada dhabta ah ee dunida.

“Waalidkey aad bay ii jeclaayeen, iima ogolayn inaan la kulmo qof qas wada ah, hadduu qof magac xun iigu yeero, ima soo gaari jirin ee hooyaday ayaa halkaas ku dhammeyn jirtay, markii ay dhimatayse waan wareeray”.

Waxa ay sheegtay in aanu haba yaraatee aqbalin nafteeda, xitaa in sawirro ay soo galiso baraha bulshadu ku wada xiriirto waa ay ka baqi jirtay, sidoo kale ka qayb galka aroosyada ama meelaha la isugu yimaado kuma dhiirran jirin. Waxa ay go’aansatay in ay dunida ka go’odo.

“Maalin uun baan go’aansaday, waxaan iri maanta keligay baan baxayaa oo keligay baan fuulayaa gaariga, waxaana rabaa inaan xeebta aado”

“Arrinta waxay ka bilaatay baskii aan raacayay oo kirishbooyga gaariga ayaa igu yiri dhaqso u fuul gaariga sababtoo ah dad kale ayaa raba inay raacaan gaariga.”

Intii ay xeebta ku sugnayd, waxay aad ugu riyaaqay neecawda badda, fikirradeheena markiiba way is beddeleen.

Waxa ay fursad u heshay in ay barato cuntooyinka ka dib markii ay maqashay xayeysiis ah in barashada ay bilaash u tahay dadka naafada ah.

Zena Akuwa, waa 30 jir loo garan ogyahay Chef Zenny waa ilmaha ugu yar qoys ka kooban lix carruur ah.
Qoraalka sawirka,Zena Akuwa, waa 30 jir loo garan ogyahay Chef Zenny waa ilmaha ugu yar qoys ka kooban lix carruur ah.

Waa tuma Zena Akuwa?

Zena Akuwa, waa 30 jir loo garan ogyahay Chef Zenny waa ilmaha ugu yar qoys ka kooban lix carruur ah.

Zena waa khabiir ku takhasustay karinta cuntooyinka kala duwan oo ay ku jiraan cuntooyinka badda sida prawns iyo kalluunka kale, cunto fudud iyo cuntooyin kale.

Sidoo kale waa qoraaga buugaagta cunto karinta oo ay ka buuxaan aqoonta noocyada kala duwan ee cuntooyinka.

Iyada oo adeegsanaysa bogaggeeda baraha bulshada, waxa ay sidoo kale ku bixisaa waxbarasho ku saabsan cunista cunnada dheeli tiran ee caafimaadka leh sida cunista cuntooyinka xakameeya sonkorta jirka, ka warqabka jidhkaaga iyo qorshaynta cuntooyinka.

Waa aasaasaha Parachef, oo ah machad dadka naafada ah oo ku lug leh cunto karinta kala duwan, waxay sidoo kale bixiyaan tababar cunto karinta dadka naafada ah. Waxa ay aasaastay machadka ka dib markii marar badan laga diiday shaqada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*