20th September 2024  admin  Category :

Gobol kamid ah Canada oo Soomaalida siiyay todobaad u gooni ah oo ay xusaan dhaqankooda

Downlad gobaleedka Alberta ayaa ku dhawaaqday in 25-ka June ilaa 1-da Luulyo loo aqoonsan doono toddobaadka Dhaqanka Somalida ee Alberta.

Wasiirka Socdaalka iyo arrimaha jinsiyadaha Alberta Maxamed Yaasiin ayaa saxiixay aqoonsiga toddobaadkan isagoo ku daray shin tiriska dowladda.

Inkastoo Somalida gobalkaas sanad walba dabaal dagyo ku aadan xoriyadda Soomaaliya dhigi jireen haddana waa markii ugu horraysay oo dowlad gobaleedka Alberta ay si toos ah u aqoonsato una dhaqan galiso todobaadka Somalida.

Soomaalida ayaa si gaar ah u xusa maalmahan iyada oo ay ku beegantahay maalmaha xorriyadda ee Soomaalida.

26-ka Juun ayaa Soomaalidu xustaa markii xoriyada laga qaatay qayb ka mid ah gumaystaha.

27-ka June ayaa iyana la xusaa maalintii Jabuuti ay xornimada ka qaadatay Faransiiska iyada oo maalinta ugu dambeysa ee 1-da Luulyana la xuso markii Soomaaliya ay xornimada ka qaadatay gumeystihii Talyaaniga isla markaan aay mudoobeen gobollada waqoyi iyo Koonfur.

Wasiirka socdaalka iyo arrimaha jinsiyadaha dowlad gobaleedka Alberta, Maxamed Yaasiin ayaa ku dhawaqay aqoonsiga maalmahan isaga oo yiri, “Sanad waliba waxa aan u dabaal degi doonnaa maalmahan 26-ka Juun ilaa 1-da luuliyo ee aan u aqoonsannay toddobaadka Soomaalida, waana aqoon sannay waxana ku faraxsannahay in aan maalmahan weyn aqoonsannay waana toddobaad muhiim ah”.

Soomaalida Alberta laftoodu waxa ay si weyn usoo dhaweeyeen maalmahan iyo sida dowladda gobolku u aqoonsatay iyaga oo markii horeba u dabaal degi jiray.

Fowsiya Xirsi Cabdi oo ka mid ahayd kasoo qayb galayaasha munaasibaddii looga dhawaaqay toddobaadka Soomaalida sidoo kalana ka mid ah dadka u dhaq-dhaqaaqa arrimaha bulshada ayaa BBC-da u sheegtay sida ay usoo dhaweynayaan aqoonsigan caalamiga ah.

“Runtii Soomaalidu aad bey ugu farxeen arintan dareenkeenna lagama sheekeyn karo, toddobaadkan oo dhan dowladdu anaga ayey noo aqoonsatay waana mid aan in badan sugeynay”.

Toddobaadka Soomaalida

“Soomaalida kaliya maaha ee xitaa waa maalmihii loo dabbaal degi jiray maalinta Canada, tanina waxa ay muujineysaa muhiimadda ay Soomaalidu ku leedahay gobolkan, dowladduna waxa ay noo oggolaatay toddobaadkan mana aha wax sahlan oo waxa ay muujineysaa in aan nahay dad la tix geliyo”, ayey hadalkeeda sii raacisay Fowsiyo Xirsi.

Kulan looga hadlayay todobaadkan cusub ee Soomaalida loo asteeyay ayaa waxaa soo agaasimay dowlada gobaleedka Alberta, waxayna isugu keeneen masuuliyiin ka socda dawladooda, sida wasiiro, xildhibaano.

Dadka Soomaalida ah ee kulankaas soo xaadiray ayaa waxaa ka mid ahaa xildhibaankii ugu horray oo Somali ah oo laga soo doorto gobalka Alberta – Sharif Xaji oo ka socday xisbiga ahaana – oo ka tirsan xibiga NDP ee dalkaas.

Sidoo kale waxaa yimid kulankaas Soomaali badan oo degan magaalada oo aad ugu faraxsanaa in ay maqlaan todobaadka cusub ee uu maamulka gobolkoodu ku dhawaaqay ee iyaga goonida u noqonaya.

Alberta waa gobalka labaad ay ugu badanyihiin Somalida Canada waxaana wasiirka Socdaalku ku sheegay in ka badan 60,000 oo qof, inkastoo qaar ka mid ah Somalidu ay aaminsanyihiin in tirada Somalida gobalkaas ay ka badanyihiin intaas.

Muxuu yahay xuska maalinta Canada?

Toddobaadka Soomaalida

Maalinta Canada, oo hore loogu yiqiin maalinta gobanimada, waa maalinta qaranka Canada, waxaa loo dabbaal degaa sannad-guuradii Isbaheysiga Canada oo dhacay Luulyo 1 deedii, 1867-dii, iyadoo la ansixiyay Sharciga Waqooyiga Ameerika ee Ingiriiska isla sanadkaas, waa markii ay midoobeen United Canadas, Nova Scotia, iyo New Brunswick, oo ay noqdeen hal maamul.

Asal ahaan waxaa loo yaqaan Maalinta Dominion.

Dabaaldegga maalinta Canada ayaa ka dhaca waddanka oo dhan, iyo sidoo kale meelo kala duwan oo adduunka ah looga soo qaybgalo.

Canada hadda waxay u dabbaaldegaysaa sanadguuradii 157-aad, waxaana guud ahaan dalkaasi laga dareemayaa u diyaar garowga munaasibado waaweyn.

Dalka Canada oo ah mid aad u dalbanayay soo galootiga waayahaan dambe, ayaa ka mid ah wadamo dhawr ah oo dad Soomaali ihi xilal ka qabteen.

Axmed Xuseyn oo ah wasiirkooda hormarinta caalamiga ah ee haatan, horayna u soo noqda wasiirka soogalootiga iyo qaxootiga ayaa ah Soomaaliga ugu caansan ee xil siyaasadeed ka qabtay dalkaas ilaa iyo haatanna haya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*