20th September 2024  admin  Category :

Darbijiifkii nolosha adag soo maray ee hadda loo shaqeeyo

Sabona Buulo waxa uu ku dhashay kuna barbaaray magaalo lagu magacaabo Kofele. Waxa uu xasuustaa in uu reerkiisii ka soo tagay oo waddada hooy ka dhigtay isaga oo siddeed jir ah.

“Laga soo bilaabo da’da todobo sano, waxaan ka tagay qoyskayga, mararka qaarkood waxaan aadi jiray baadiyaha, marar kalena magaalada. Waxaan bilaabay inaan habeenkii ku hoydo bannaanka,” ayuu yiri, isagoo dib u xasuusanaya noloshiisii hore.

Waxa uu maqlay qoyskiisa oo sheegaya in aabbihii dhintay isaga oo saddex jir ah. Sabona, ayaa sheegay in cadaadis kala duwan uu kala kulmay guriga, isla markaana uu sidaas uga soo tagay shan walaalihiis ah waxaana uu noqday isagoo da’yar.

Isla markii uu ka baxay darbijiifnimada, waxa uu u jihaystay dhanka magaalada Asasa ee dalka Itoobiya. Asasa waxa uu ku bilaabay shaqo mishaarkeedu bishu ahaa 35 birr isaga oo la shaqaynayay dad lo’leey ahaa.

Laakiin carruurnimadiisii darteed uma aysan suurogelin inuu sii wado shaqadaas. Kadib waxa uu aaday Bale Delo Mana, Ngile oo ah magaalo kale.

Magaalo kasta oo uu tago, Sabona waxa uu ka shaqayn jiray hoteel ama maqaaxi, waxa uuna dhaqi jiray weelasha, halkaas oo uu ka heli jiray mushaharkiisa maalinlaha ah.

Sabona oo sheegay inuu magaalo ilaa magaalo kale u lugayn jiray ayaa yiri, “Haddii aan tiriyo magaalo kasta oo aan tegay, waxa jira magaalooyin badan oo aan mushahar la’iga siin.

Waxa uu xasuustaa in ay jireen dad badan oo u diiday in uu mushahaarkiisa qaato maadaama uu ahaa ilmo ka soo cararay faqri iyo colaad.

“Waxay ahayd meel aan ka soo tooso 10-kii ama 11-kii subaxnimo, ilaa 11-kii habeenimana aan ka shaqayn jiray,” ayuu yiri Sabona. Magaalooyinka qaar waxaa ka mid ah Mooyaale, Buule Hora, Dilan, Hawaasa, waxaana uu ugu dambeyn u jahaystay magaalada Adama.

Noloshiisii Adama

Markii uu Adama yimid, waxa uu nolosha darbijiifnimada ka bilaabay waddooyinka.

Waxa ay hawl maalmeedkiisu noqotay in uu fariisto afaafka hore ee maqaaxi ku taal mid kamid ah Isgoysyada Adama si uu u sugo ka soo harta maqaaxida.

Maqaayadaha Adama ayaa cuntada haraaga ah siiya caruurta darbi jiifka ah ee albaabadooda ku sugaya.

Waxa uu bilaabay in uu cuno cunto aan nadiif ahayn, habeenkiina uu dhulka seexdo, dawarsadana dadka jidka maraya.

Muddo afar sano ah ayuu ku noolaa waddooyinka halkaas oo ay noloshu wax badan ku bartay.

Markaad ku nooshahay waddooyinka Adama, way fududahay inaad ku dhex dhuunmato bulaacadaha magaalada oo aad habeenkii seexato.

Markaad ku nooshahay waddooyinka Adama, way fududahay inaad ku dhex dhuunmato bulaacadaha magaalada oo aad habeenkii seexato.
Qoraalka sawirka,Markaad ku nooshahay waddooyinka Adama, way fududahay inaad ku dhex dhuunmato bulaacadaha magaalada oo aad habeenkii seexato.

Sabona waxa uu xasuustaa in sannadihii uu seexanayay waddooyinka Adama, uu doorbiday in uu seexdo meheradaha hortooda halkii uu ka seexan lahaa bullaacadaha.

Seexashada balakoonnada dukaamada iyo sagxadaha waxay keeni kartaa in lagaa saaro oo ay ku garaacaan milkiilayaasha ama ilaalada.

Isaga oo ku nool waddooyinka Adama, waxa uu maalin maalmaha ka mid ah aaday xaafadda Kiebele 11 si uu u soo helo wax uu cuno, balse waxa uu la kulmay ayaa noloshiisii beddeshay.

Waxa uu xasuustay in haweeneey uu guri albaabkiisa ugu tagay si ay siiso cunto haraa ah balse waxay ku tiri “shaqyso hadaad rabtid inaad cunto cuntid”.

“Aad ayaan u ooyay maalintaas. “Waxa aan nafteyda u ballan qaaday in aan waddooyinka ka tago,” ayuu yiri, kadibna waxa uu bilaabay in uu raadiyo wax uu sameeyo.

Maalintii xigtay, wuxuu aaday bakhaar ku yaal agagaarka Niilka Madow ee magaalada Adama wuxuuna bilaabay inuu xamaali noqdo.

Laakiin laba jeer ama saddex jeer ayuun buu qaadi karayay alaabta. Sobona oo calooshiisa maran awgeed waxa uu qaadi waayay wax ka badan, markaas ayuu miyir beelay. Waxa uu soo naaxay isagoo biyo iyo caano lagu shubaya.

Inkasta oo uu awoodi waayay in uu qaado alaabtii la rabay in uu xamaalo, haddana kama uusan niayd jabin shaqada. Muddo toddobaad ah oo uu shaqaynayey oo uu mushahar qaatay, waxa uu sii aaday goobaha dhismaha.

Si kastaba ha ahaatee, ma uu helin awood uu ku qabto shaqada sidaas ayaana uu halkaas uga soo tagay.

Intaa ka dib waxa uu ka baxay Adama waxa uuna u jihaystay Diridhawa halkaas oo uu ka bilaabay shaqo xamaali ah oo xitaa sababtay inay garabka jug ka gaarto, ugu damnbeyn waa ka soo tagay waxa uu u soo jiheystay dhanka Addis Ababa halkaas oo uu ku aflaxay.

Waxa uu nasiibka la kulmiyay qof uu yaqaano oo siiyay 1000 Birr oo ku bilaabay inuu ku bilaabo ganacsi qaxwo iyo jaad ka dib waxa uu bilaabay inuu noqdo dallaal taas oo horseeday inuu dakhligiisa kordho.

Ugu dambeyn waxa uu furtay lama mehradood oo cabitaanka lagu iibiyo halkaas oo ay fursad shaqo ka heleen 15 qof. Waxa uu sheegay inay riyadiisu tahay inuu caawiyo caruurta darbi jiifta ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*