20th September 2024  admin  Category :

Haweeneey 12 sano isbitaalka dhimirka ugu jirtay in la fahmi waayey luuqada ay ku hadasho

Dalka Maraykanka, askari ka tirsan booliska Kansas ayaa haweenay da’ ah ka helay qol ay kaga jirtay Kaniisadda Methodist Christian ee Manter, iyadoo xirnayd dhar wasakh leh.

Haweenaydan da’da ah waxaa boolisku su’aalo ku waydiiyeen luuqada Ingiriiska, laakiin waxay ku jawaabtay lahjad aysan fahmin iyagu.

Arrintaas ayaa islaantan waayeelka oo lagu magacaabo Rita Patino Quinterero, dhaxalsiisay inay muddo 12 sano ah xoriyadeedii waydo. Rita ayaa u dhalatay beesha Raramuri (Tarahumara) ee degta Mexico.

Markii danbe waxaa haweenayda la geeyey meel saldhig ah, iyadoo halkaas ku sugan ayey u gacan qaaday sarkaal boolis ah oo loo xil saaray in uu dharkeeda u dhaqo una qubeeyo sida uu sheegay Santiago Stein, oo filim ka sameeyay haweeneydan.

HAWENYADA RITA

” Wax khatar ah ma galin, waxaan dareemayey wanaag sababtoo ah inaa u noolahay si dabiici ah”, Rita ayaa sidaas sheegtay iyada oo ku sugan Chihuahua, oo ah gobol ku yaala waqooyiga Mexico, halkaas oo ay ku dhalatay oo ay degan yihiin bulshadeeda Raramuri, waxayna ku hadashaa luuqadeeda hooyo ee Raramuri.

Haweenaydan ayaa hadda ku nool Sera oo u dhowr buuraha Tarahumara iyadoo iyada bulshadeedu caan ku yihiin orodka iyo ugaarsiga.

Raramuri, waa qoomiyad ku nool dhulka buuraleyda ah ee gobolka Chihuahua ee Mexico, oo ah dhul isku dhafan oo webiyo leh.

Rita, wixii ay kala kulantay Kansas dalka Maraykanka gabi ahaan waxay ahayd dhaqan iyo jawi ka duwan kii dhulkeeda hooyo.

Isfahan darro dhanka afka ah

RITTA, HAWEENYADA
Waa tuma Rita?

Inkasta oo Ritta ay si fiican ugu hadasho luuqada Raramuri, hadana intii ay ku jirtay Isbitaalka dhimirka iyo markii danbe ee la geeyey Maxkamaddaha Kansas, waxay heli wayday Turjumaan fasira luuqadeeda si wacan u garanya, taas oo ka dhigtay in Ritta xitaa aysan garanayn waxa socda iyo sababta loo xidhay midna.

Xataa khabiir loo keenay bal in uu xaal wareysto ayaa afkeeda fahmi waayey.

“Markii maxkamada la geeyey, qareenku wuxuu sheegay inay maskaxda ka jiran tahay oo ay nafteeda wax yeeli karto,” Santiago ayaa u sheegay BBCda laanteeda Mundo.

Xoriyadeedii

Maxkamadda ayaa markii hore ku xukuntay haweeneyda inay ku sii jirto isbitaalka dhimirka muddo saddex bilood ah.

Go’aanka waxaa lagu gaaray fikradda ah in caafimaadkeeda maskaxeed dib loo eego saddex bilood gudahood.

Khubarada caafimaadku waxay sheegeen in aanay wax caddayn ah u hayn fayoobida haweenaydaasi, ayna adag tahay in la helo cid ka mid ah qoyskeeda.

Bilo iyo sanado ayaa sidaas ku gudbayey, iyaduna ma hadli karin. Dhibaatooyin xagga luqadda ah awgeed, waxay qaadanaysay dawo iyada oo aan laga war hayn xaalkeeda.

Sannadkii 1994kii, ururka xuquuqda naafada ayaa go’aan ku gaaray in ay dib u eegis ku sameeyaan kiisaska dadka isbitaalka ku jiray in ka badan shan sano si loo daweeyo.

Ritta, waxa matalayey qareen Toria Miroz, waxayna markii ugu horeysay hubisay diiwaankeeda caafimaad, kaliya waxaa la hayey xog ku saabsan in Rita, ka timid Chihuahua oo ay u dhalatay Tarahumara.

Kooxda xuquuqda naafada ayaa dacweysay isbitaalka iyo 30 ka mid ah shaqaalaha. Waxa ayna dalbadeen 10 milyan oo doolar oo magdhow ah.

Laakiin habka sharciga laftiisa ayaa lahaa caqabado badan sababtoo ah Rita ma imaan karto maxkamada si ay u markhaati furto.

Rita waxaa la siiyay $90,000 oo magdhow ah. $32,641 oo ka mid ah waxaa loogu deeqay NGO gii u istaagay.

Lacagta inteeda kale waxaa la siiyay Rita si ay ugu isticmaasho dalkeeda hooyo.

Waa tuma Rita?

Waa tuma Rita?

Rita, waxay caan ku tahay aqoonta khuraafaadka, dhir yaqaanimada, umulisanimada iyo farsamayaqaanimo.

Filimka Santiago intii la diyaarinayay sheekadiisa ayaa qoraaga filinku ka wareystay qaraabadeeda iyo deriskeeda waxa ay Ritta samayso.

Rita, ayaa la rumeysanyahay inay dhalatay sanadkii 1930-kii iyadoo ku dhalatay magaalo ku taalla Pideras Verges ee ismaamulka Chihuahua. Ka dibna waxay degtay meel u dhow Serokahuy oo ka tirsan gobolka Hurriika.

Sida uu sheegay Santiago, oo sheekadeeda filim ka sameeyey, waxay leedahay seey iyo laba wiil.

Deegaanka ay ku nooshahay waxay ku haysatay ari badan marka la eegana bulshada dhexdeeda waxay u muuqatay qof ladan.

Laakiin maalin ayaa wax walba is beddeleen, Wax Rita “ay ka cabsatay oo aysan rabin” ayaa dhacay.

Xoolahedii ayaa gabi ahaanba la dhacay, dadkii dariska la ahaa ayaana ku eedeeyey Rita, inay dishay saygeedii, laakiin In tani run tahay ilaa hadda lama xaqiijin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*