20th September 2024  admin  Category :

Sidee loo soo qabtay mid ka mida ‘raggii burcad baddeeda ahaa’ ee la sheegey in ay malaayiin doolar qaateen?

Bartamihi bishii April ayey ahayd markii koox burcad baddeed Soomaali ah ay sii daayeen Markab nooca xamuulka qaada oo lagu magaaco MV Abdullah, kaas oo muddo bila ah afduub ahaan ugu haysteen xeebaha Puntland.

Kooxda ayaa la sheegay inay qaaten lacag madaxfurasho ah oo dhan 5milyan oo dollar sida ay sheegtay wakaalada wararka Reuters.

Puntland ayaa ilaa iyo xilligaas waday howlgalo ay sheegeen inay ku baacsanayaan raggaas ka dagay markabka oo sida ay saraakiil ciidan u sheegeen BBCda ku dhuumaalaysanayey deegaano howdka ee gobalada Mudug iyo Nugaal.

Taliska ciidanka Booliska ee gobolka Mudug ee Puntland ayaa xaqiijiyey inay gacanta ku dhigeen nin ay ku tilmaameen hogaamiyihii kooxdii burcad baddeeda ee markii MV Abdullah ka dib howlgalo ay ka sameeyeen qaybo ka mida waqooyiga magaalada Galkacyo.

howlgalka burcad lagu soo qabtay
Qoraalka sawirka,Taliyaha Qeybta Booliska gobolka Mudug ee Puntland G/sare Maxamuud Cabdixakiin Yuusuf.

Sidee loo soo qabtay ninkan?

Howlgalka lagu qabtay ninkan la sheegay in uu ka mid ahaa raggii burcad baddeeda ahaa ayaa ka dhacay xaafada Israac ee magaalada Galkacyo, sida uu BBC da u xaqiijiyay taliyaha booliska gobolka Mudug ee Puntland. .

Taliyaha ayaa sheegay in xog ay ka hayeen ay u sahashay inay ku bartilmaameedsadeen ninkaan xilli uu ku sugnaa goob ku taal waqooyiga Gaalkacyo.

“Ninkan wuxuu ahaa hogaamiyihii kooxda burcad baddeeda ee sii daayey markabkii MV Abdullah”, ayuu BBC da taliye Maxamuud Cabdixakiin.

Mar aynu waydiinay sida ay ku ogaadeen in uu kooxda ka tirsanaa ayuu sheegay taliyuhu, “Waan ognahay midkasta oo ka mid ahaa halka iyo howsha uu u xilsaarnaa markabkii MV Abdullah.” ayuu yiri G/sare Maxamuud.

Intii howlgalka qabashada ninkaan uu socday wuxuu taliyuhu sheegay in aysan jirin wax iska caabin ah oo ay booliskiisu kala kulmeen qabashadiisa.

“Wuxuu fadhiyey meherad lagu caweeyo, ciidanka boolisku waxay si taxadar leh u fuliyeen howlgalkaas oo laba dhinacba laga eegayey, mid in la qabto ninkaas mida kalana ahayd in maadaama meeshu ahayd meel dad badan ku sugnaayeen inaan waxyeelo ka dhalan, waana ku guulaysanayey labadaba” ayuu intaas raaciyey Taliye Maxamuud.

Puntland ayaa tirada burcad baddeeda ee markabkaas MV Abdullah, sii daysay ku sheegtay inay dhan yihiin ilaa soddon nin oo markii ay ka soo dageen markabka ku kala firxaday deeganada Putland.

“Labaatan bari ka hor waxaan qabanay nin kale oo kuwaas ka mid ahaa oo xiran kan ugu danbeeyeyna wuxuu noqonaya kii labaad ee raggaas ka mid ah ee lagu qabto Gaalkacyo, marka labo kalana waxaan ogahay inay Nugaal ku xiran yihiin” ayuu BBCda u sheegay taliyaha booliska Mudug ee Puntland G/sare Maxamuud Cabdixakiin Yuusuf.

Howlgalada Puntland ay wali wado

burcad baddeeda

Sida uu BBCda u sheegay taliyaha Qaybta booliska gobolka Mudug ee Puntland G/sare Maxamuud Cabdixakiin Yuusuf, waxa deegaanada qaar iyo magaalooyinka ay ka wadaan howlgalo ay sheegeen inay ku baadigoobayaan raggii burcad baddeeda ahaa ee markabkii MV Abdullah sii daayey, kuwaas oo sida Taliyuhu sheegay qayb ka mida la qabtay, walow inta badan aysan gacanta ku haynin.

Puntland ayaa sheegtay inaysan xeebeheeda u oggolaan doonin burcad baddeedu inay dib ugu bilaabay falalkii afduubka maraakiibta iyo inay ku soo xirtaan kuwa ay soo qabsadaan.

MV Abdullah, ayaa la sii daayey bishii April ee sanadkan ayaa laga lahaa dalka Bangaladesh, markabka ayaa gacanta burcad baddeeda galay bartamihii bishii Maarso ee sanadkan markii kooxdu ay ka soo qafaasheen biyaha caalamigaa.

Burcad baddeeda Soomaalida ayaa dib u soo celiyey weeraroodii dhammaadka sanadkii 2023-kii markaas oo ay afduuben doon laga leeyahay dalka Iiran oo markii danbe ay soo furteen ciidamada badda ee Hindiya.

Markabkii MV Ruen, ayaa sidoo kale burcad baddeeda Soomaali ah laga furtay ka dib howlgal ay sameeyeen ciidamada badda ee dalka Hindiya oo gacantana ku dhigay raggii haystay.

Weerarkii ugu danbeyey ee ay gaysteen koox burcad baddeed ah ayaa ka dhacay xeebaha Soomaaliya meel qiyaastii 380 nuatical mayl bari kaga beegan magaalada Muqdisho dhammaadka bishii may ee sanadkan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*