19th September 2024  admin  Category :

5 nin oo mootooley ah oo ahaa dadkii ugu hor gaarray halka ay ku dhacday diyaaradii Ra’iisi oo loo diiday in ay hadlaan

Turkiga iyo Ciidamada awoodda badane e Ilaalada Kacaanka ee Iran waxay sheegeen in markii ugu horeysan ay iyagu ogaadeen halka ay ku dhacday diyaaradii uu saarnaa madaxweyihii geeriyooday ee Iran, iyaga oo adeegsanayay diyaarad aan duuliye lahayn oo ay iska leeyihiin milatarigu. Sidoo kale hay’adda Laanqayrta Cas ee Iran waxay sheegtay in diyaaradaheeda ay aqoonsadeen halka ay ku dhacday helicopter ka madaxweynaha, laakiin qaybta xaqiijinta ee BBC da laanteeda Faarisiga ayaa iyada oo falanqaynaysa sawiradii la soo qaaday waxay ogaatay in koox mootooleey ah ay ahaayeen dadkii ugu horeeyay ee dul tagay halka ay ku dhacday diyaaraddu.

Sidoo kale cadeymaha ay heshay ayaa waxay muujinayaan, in sheegashada warbaahinta Turkiga ee ah in Turkiga uu gacan ka gaystay helista goobta aysan ahayn mid xaqiiqada ku salaysan.

Sawirada la daabacay ayaa waxay muujinayaan in ciidamada IRGC da iyo Laanqayrta Cas ay goobta gaareen, kadib markii shanta nin ee mootaaleyda ah ay meesha tageen, laakiin warbaahinta Iran, wakaalada wararka iyo xafiisyada dawladuba ma aysan xusan raggaas.

    @CROSS_SORAN_LIFE

    Ilo gudaha ah ayaa waxay u sheegeen BBC da in raga mootooleyda ah ay si iskood ah uga qayb qaateen hawlgalka raadinta, ayna diyaaradda ka heleen meel u dhaw halkii awal laga raadinayay. Isha ay BBC du la hadashay ayaa waxay sheegtay in sababo la xiriira cadaadis dhinac amniga ah lagu qasbay ragii mootooleyda ahaa in ay taleefanadooda ka tirtiraan sawiradii ay ku qaadeen ee diyaaradda burburkeeda muujinayay.

    Hossein Fuladi, Farshid Musaibi, Reza Zarei, Ali Zulfiqari iyo Amir Hossam Nashani waa ragii mootooleyda ahaa ee meesha gaaray.

    Maalinkii ugu horeysay ee la helay goobta diyaaraddu ku dhacday, ayaa qaar ka mid ah ragii waxay baraha bulshada waxay dib ugu soo daabaceen fariimo, taa soo muujineysay in bogagooda “ay dusha kala socdeen madaxda amniga”, waxaana loo sheegay in aysan waxba soo galin.

    Markii ugu horeysay ayaa bogga Instagram oo ay ku qoran tahay Andrew oo ah mid uu leeyahay nin mootooyinka duurka jibaaxa wada ayaa waxaa lagu soo daabacay muuqaal muujinaya laba mootoole oo ay idaacadi taleefan ku wareysanayso. Waxay labada mootoole u sheegayaan wariyaha wareysanayay in ay goobta gaareen 5:45 subaxii, waxay qeexayeen sida ay u keed meesha diyaraddu ku dhacday iyo sida xaal ahaa.

    Muuqaalka oo la arkayo dad iyo qof xiran jaakadda Laanqayrta Cas, ayaysan sii deyn idaacaddu.

    .

    Maalinkii Jimcaha ayaa boggaan wuxuu mar kale soo daabacay baaris ay sameysay BBC da oo TV ga laga sii daayay taas oo xusaysay mootooleyda, waxa uuna sheegay in looga digay in ay daabacaan muuqaalka.

    Saed News waa mareegta kaliya ee gudaha Iran ku taalla ee la hadashay mootooleyda ilaa iyo hadda. Farshada Musaibi, oo ah nin billad maarta ah ku qaatay moot wadista ayaa ku yiri wareysi lala yeeshay : “Dhamaan meelihii ay kooxaha badbaadadu noo sheegeen waa ay qaldanaayeen,” wuxuu ku sii daray hadalkiisa: “Waxaan u maleyneynay in diyaaraddu ku dhacday keynta Bir Dawood iyo Shaitan Dara.

    Musaibi ayaa sidoo kale yir: “ Intii baaristu socotay, qof aynaan kala garanayn in uu ahaa wakil ka tirsan IRGC iyo in kale ayaa wuxuu na tusay masawirka buurta hore waanan baxan inaga oo dadka waydiinaynay aagga ay ku taallo. Waan ku faraxsanayn inaan dhankaas aadnay mana aynaanba hayn fursad aad qofkaas ugu jawaabno.” Wuxuu yiri: “Waxaan ku baakimanay mootada meel sare inaga oo hoos u soo lugaynay”

    Musaibi wuxuu sidoo kale ka hadlay xaalka maydadka: “waxaan aragnay muuqaalo naxdin badan iyo laba qof oo la ogaaday in ay yihiin duuliyayaashii oo aad u gubtay.”

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    *