19th September 2024  admin  Category :

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Wafdi ka socda Jarmalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay wafdi ka socda dowladda Jarmalka oo uu hoggaaminayey Christoph Retzlaff oo ah Agaasimaha Dowladda Jarmalka u qaabilsan dalalka Saaxil iyo Saxara ee Afrika, isaga oo kala hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in la adkeeyo xiriika soo jireenka ah ee u dhaxeeya labada dal, isaga oo ka mahadceliyay taageerada dowladda Jarmalka ee Sooma

Sidoo kale, Agaasimaha Dowladda Jarmalka u qaabilsan dalalka Saaxil iyo Saxara ee Afrika, Christoph Retzlaff, ayaa ku bogaadiyey Dowladda Soomaaliya dadaalladeeda la xiriira dowlad-dhiska dalka iyo xaqiijinta amniga guud ee Soomaaliya, waxa uuna xusay in dalkiisu uu sii xoojin doono taageerada dhinaca horumarinta, si loo xaqiijiyo guulaha la gaaray.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*