20th September 2024  admin  Category :

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan mira dhal ah la qaatay Madaxweynaha Jubbaland

Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federalka Soomaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa caawa hoygiisa kulan kula qaatey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladaha guud ee deegaannada Jubbaland, la dagaallanka Khawaarijta iyo sidii xal loogu heli lahaa fatahaadaha laga cabsi qabo in ay ku dhuftaan qaar kamid ah gobolada dalka, waxaana uu Guddoomiye Sheekh Aadan kula dardaaramay Madaxweynaha Jubbaland in dadka ku dhaqan goobaha laga cabsi qabo la gaarsiiyo digniino, isla-markaana xaaladooda laga warhaayo.

Kulanka waxaa sidoo kale qayb ka ahaa Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*