23rd December 2024 admin Category :
Awoowaha Soomaaliyeed ee todobaadka jiifa duurka kadib musiibo qabsatay degaankiisa
Maxamed Cabdiraxiin Maxamed waa odey 70 jir ah oo muddo dheer ku dhaqnaa magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, ee Soomaaliya.
Sida uu u sheegay BBC wuxuu ahaa nin ganacsade ah oo dukaan iyo beer ku lahaa magaalada, halkaas oo ay u daganaayeen qoyska ka kooban xaas iyo caruur. Balse waxay noloshiisa oo dhan is badahsay markii ay daadadku ku dhufteen magaalada.
Dhawrkii habeen ee la soo dhaafay wuxuu jiifanayay meel duur ah isaga oo ay wehliyaan caruurtiisa iyo xaaskiisa.
Maxamed oo dib u xusuusanaya sidii isaga oo arkaya ay noloshiisu u burburtay ayaa yiri:
“Meel ganacsi ah oo aan lahaa yaa biyaha iga galeen, ka dib sartii ayaa iga duntay waan qaxay hadda waxaan joogaa meel taag ah,”.
“Halmar umbey biyaha soo galeen, wixii markaas gacanta qabatay mooyee wixii kale waa laga tageen, meeshaas ayay ku baab’aday [nolosheydii],” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Dhanka kale wuxuu maxamed sheegay in beer uu lahaa ay biyaha cagta mariyeen. ‘Geedihii cambaha ahaa ee aadka u dhaadheeraa ayay biyaha qariyeen,’ ayuu BBC da u sheegay.
“Beer la arkayo ma jirto, xitaa cambihii ahaa 10 mitir ayaa qarsoomay, wax beer ah oo la arkayo ma laha, beerihii doon ayaa hadda kormareysa,” ayuu yiri.
Intii aan wareysaneynay wuxuu u muuqday nin aad u rajo beelay.
“waan iska noolahay. Dhib fara badan ayaa jirtaa. Ilaahey ayaa noo dhaami kara oo aan baryeynaa,” ayuu yiri.
Maxamed, waxay ula egtahay haddii ay xaaladda sidan sii ahaato ay sii xumaan doonaan sawirada kama imaan doona gobolkaan oo ah kan ugu daran ee ay saameeyeen fatahaadaha Elnino. ‘Dhimashada oo badata’ ayaa ah walwalka uu muujiyaya Maxamed.
buunadad baardheere ayaa ahayd meel halbowle u ahayd dadka magaalada Baardheere – magaalada labadeeda dhinac ayay isku xiri jirtay, iyada oo ahayd marin uu usoo maro badeecada lagu iibiyo suuqyada iyo daawadaba.
Maxamed iyo dadka lamidka ah ayaa la’ meel raashiinku u soo maro.
Doomo yaryar oo lagu soo qaado raashinka ayaa noqday xalka kali ah ee ay heleen dadka ku barakacay daadadka, balse saacadaha badan ee ay dhexda ku sii jiraan iyo cadadka yar ee raashinka ay keeni karaan ayaa baahida barakacayaasha wax wayn u tarin.
“Doomo wax yar oo quutul daruuri ah la saaray ayaa muddo 4 saacadood ah meesha u soo socnaysa, rafaadkaas ayaa meesha lagu geynayaa umaddii halkas ayay ku baa’baday,” ayuu BBC u sheegay Maxamed.
Isaga oo cabirayay sida biyuhu u harqiyeen dadka ayuu yiri: “Dadka Gedo way dhumeen,”.
Qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya waxa ku dhuftay fatahaado ballaaran oo ay dad ku dhinteen.
Meelaha ugu daran ee ay fatahaadahani saameeyeen ayay kamid tahay magaalada Baardheere oo uu maro wabiga Jubba.
Waxaa xaaladda uga sii daray markii ay duntay buundadii muhiimka u ahayd isu socodka magaalada.
Shacabka magaalada ayaa maalmihii la soo dhaafay aad ula hadlay warbaahinta, iyaga oo codsanayay gargaar degdeg ah.
In ka badan 1.6 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya ayaa laga yaabaa in ay saameyn ku yeeshaan roobabka day’ay, sida ay ka digtay Qaramada Midoobay.
Waxaa kale oo ay baahiyeen hay’adaha gargaarku in ugu yaraan 29 qof ay ku dhintay in ka badan 300,000 oo qoysna ayy ku barakaceen daadadka.
Tirada ayaa laga yaabaa inay intaas ka badato, maadaama xilligii warbixinta la soo saaray kadib ay roobab kale da’een.
Qaramada Midoobay ayaa fasaxday lacag dhan $25m (£20.5m) oo gargaar ah, iyadoo ku tilmaantay daadadka “dhacdo qarnigiiba mar timaadda”.
Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah ee Bariga Afrika ayaa waxaa tan iyo horraantii bishii Oktoobar ka da’ay roobab xooggan.
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan bini’aadantinimada ayaa sheegtay in dadaallada samata bixinta ay dib u dhacayaan, sabatoo ah waxaa go’ay wadooyinkii gargaarka la marin lahaa.