18th October 2024  admin  Category :

Maxaa keeni kara In gabadha Laascaanood joogta aya ka ciqaab badato dagaal ooge gaystay xasuuq shacab oo aan hubaysnayn.

Hooyo Faadumo Axmed, oo ka soo jeeday beesha Dhulbahante oo dhashay mid ka mid ah gabdho lagu xiray magaalada Laascaanood dabayaaqadii bishii Juun 2021 ayaa sheegtay in Waqtigaas ay gabadheeda Xireen maamulka Isaaqland oo ay beelaha Isaaq ku midaysan yihiin

“Annagu gabdhaha waxaan moodaynay inay iska joogaan meelahoodan iyo xaafadda, markii abaare 8-dii habeennimo aheyd yaa islaan ordaysa ii timid say tiri gabdhihii waa la xirxiray, oo maxaa lagu xiray oo ay sameeyeen? Calankii Soomaaliya ayey wateen oo ay isku sawirayeen kabacdina waa la xirxiray ayey tiri,” waxaa sidaas sheegtay Hooyo Faadumo.

Hooyo Faadumo waxa ay sheegtay inay ugu darnayd markii ay ogaatay in gabadheeda iyo gabdhihii kale ee lala xiray oo markii hore ku xirnaa meel aanan gurigeeda sidaas uga fogayn halkaas laga qaaday oo magaalo kale xabsi ku yaal loo dhaadhiciyay.

“Laba habeen ayaa lagu hayay Laascaanood, kaddibna subaxii dambe ayaa la qaaday oo waxaa la geeyay Buurta Sayidka, halkii bay habeen u hoyden, isla habeennimadii ayaa lala tagay oo waxaa la geeyay magaalada Berbera,” ayey tiri Faadumo.

Hadaba sidee Maamuka Khaatumo ula dhaqmeen Gacan ku dhiigle dilay dad badan oo isaga oo dilkii iyo duqayntii sii wada gacanta lagu soo dhigay

Dagalkii lagu difaacayey duulaanka iyo dilka lagu hayo shacabka reer Sool oo ay ku soo duuleen beesha Isaaq ayaa gacanta lagu dhigay generaalkii watay oo ahaa ninkii sadexaad ee ugu dilka iyo xasuuqa badnaa waqooyiga Soomaliya marka laga yimaado Gacan ku dhiiglayaasha la reerka ah ee Siilaanyo iyo Muuse Biixi.

Faysal Cabdi Bootaan. oo ka soo jeeda Beesha Habar jeclo, ahaana jeneraalkii duqaynta iyo dilka ku hayey gobolka Sool, gacantana lagu soo dhigay isaga oo weli sii wada duqayntii iyo dilkii shacabkii aan hubaysnay ee reer Laascaanood intoodii qaxi kari wayday ee maatada ahaa , ayaa la soo bandhigay oo isaga loo ekaysiiyey ” Oday dhaqameed nabadayn u yimid gobolka Sool, jeebkana ku wata Telefoonada gacanta oo uu Caalamka iyo Hargaysa kula hadlayo. Intaa waxa u sii dheer inuu dabo taagnaa xooghayn u wata Computerka loo yaqaano Laptop.

Hadaba yaa ka aamusay waqtigaas Hooyo Faadumo gabadheeda oo Calanka Soomaaliyeed loogu xiray magaaladoodii Lascaanood oo dagaal oogihii iyo Gacan ku dhiiglihii Faadumo iyo gabadheeda duqaynayey ka dhigay ODAY DHAQAMEED

Inta badan Siyaasiyiinii iyo Isimaddii beesha Dhulbahante ee la soo shaqayasan jiray mamulka SNM, oo markii horeba sababay in Laascaanood la qabsado ayaa saamayn weyn ku leh hogaanka Khaatumo. Waana kuwii Faadumo iyo gabadheeda horay uga aamusay ama taageersanaa bahdilaadas, maanta doonaya inaynu aamino ama inaga dhaadhiciyaan in Dagaal ooge Ina Bootaan uu yahay Oday dhaqmeed. Waxa kale oo lagu xumaado ah in Saraakiil iyo Isimo u soo hiiliyey reer Laascaanood ay ku xiran yihiin Hargaysa oo xitaa dareenka ehelkii ay ka maqnaayen la ixtiraami waayey.

ALLSANAA.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*