21st December 2024 admin Category :
Maxaa ka jira in goobaha cilaajyada ‘lagu faraxumeeyo’ haweenka?
Adduun qarsoon oo xadgudubyo jinsi iyo dhiig-miirasho ay ku kacaan rag sida ay sheegtaan ku shaqeeya ‘daaweynta ruuxiga ama cilaajyada’ ” ayaa ay dhawaan daaha ka qaadday BBC-da qaybteeda Carabida.
Baanashada ruuxiga ah, oo sidoo kale loo yaqaan “isku daaweynta Qur’aanka “, waa dhaqan caan ka ah Carabta iyo Dunida Muslimka.
Inta badan dumarka ayaa ah kuwa soo booqda dadka daaweeyntaas ku shaqaysta -iyagoo aaminsan in ay ka xallin karaan mashaakilaadka haysta ee badanaa ku aroora ‘shaydaanka’.
Kuwaas oo iyaguna ka saaraya jinka qofka ku jira, sida ay ku andacoodaan.
Dhibbanayaal gaadhaya 85 haween ah oo ay BBC-du soo ururisay muddo ka badan sannad ayaa lagu dabagalay ‘daaweeyeyaal’ 65 qof ah oo ku kala nool Marooko iyo Suudaan – waa labada waddan oo hab daaweynta noocan ah aadka looga jecel yahay. Waxaana ragga shaqadaa qabtaa badanaa lagu eedeeyaa kufsi, handedaad, iyo xadgudubyo kale.
Waxay BBC-du bilihii u danbeeyey ka shaqaynaysay la hadalka NGO-yo, maxkamado, qareenno iyo haween, intii lagu gudo jirey aruurinta iyo xaqiijinta sheekooyinka xadgudubyada ee ka dhaca goobahaas soomaalidu u taqaan cilaajyada. Wariye qarsoon oo lagu daaweeyay mid ka mid ah goobahaas, si aannu indhahayga ugu aragno waxa ka dhacata meelahaas ayaa lafteeda si aan habooneyn loo taabtay ka hor inta aysan ka baxsan goobtii.
Dalal (ma aha magaceeda dhabta ah) waxa ay xilli ay niyad jabsanayd daaweyn ka raadsatay daaweeyaha ruuxiga ah ee ku nool magaalo u dhow Casablanca dhawr sano ka hor, markaas oo jirtey da’aadda 20-meeyada. Waxay sheegtay in daaweeyaha uu u sheegay in niyad-jabka uu ka dhashay “Jin jecel” oo ay u afduuban tahay.
Kulamadii ay yeesheen mid ka mid ah ayaa waxa uu ka codsaday in ay uriso udgoon uu sheegay in uu yahay Miski- balse ay hadda aaminsan tahay in uu ahaa nooc ka mid ah daroogooyinka,
sababtoo ah way miyir doorsoontay.
Dalal oo aan horay u soo marin wax galmo ah ayaa sheegtay in ay soo toostay xilli danbe iyada oo dharkeedii hoose laga bixiyey, ayna xaqiiqsatay in la kufsaday.
Waxay sheegtay markii ay bilowday inay ku qayliso ninkii sidaa falay (daaweeyihii Quraanka), iyadoo waydiinaysa waxa uu ku sameeyay.
“Waxaan ku idhi: Maxaad sidan iigu samaysay?” Wuxuu iigu jawaabay – in jinku jidhkaaga ka baxo.
Waxa ay sheegtay in aysan cidna u sheegin wixii maalintaas dhacay, maaddaama ay aad uga xishoon jirtay, isla markaana ay hubtay in lagu eedeyn doono. Waxaase xaalku isku beddelay markii ay ogaatay dhawr toddobaad ka dib inay uur leedahay, way argagaxday.
Xataa waxay ku fikirtay inay nafta iska qaaddo.
Markii ay u sheegtay daawooyinkii uurka ku jiray, waxa uu ugu jawaabay malaha jinku wuu uureeyay. Dalal waxa ay sheegtay in ay aad uga naxday waayo aragnimada ay la kulantay,taas oo keentay in markii ubadkeeda dhashay ay diiday in ay eegto oo ay qabato ama xataa ay magac u bixiso oo ay u dhiibtay in ay korsato.
Qaar badan oo ka mid ah haweenka aan la hadalnay ayaa sheegay in ay ka baqayaan in iyaga laftooda lagu eedeeyo haddii ay soo sheegaan xadgudubyada loo geysto, sidaas darteedna tiro aad u yar ayaa qoysaskooda u sheegay, iska daa booliiska’e.
Qaar ayaa sheegay in ay sidoo kale ka walaacsan yihiin in haddii la sheego waxa dhacay ay keeni karto in jinku uu ka aargoosto.
Dalka Suudaan, haweenay lagu magacaabo Sawsan ayaa noo sheegtay in markii guursaday gabadh labaad – sida ayu bannaysay shareecadu ( shareecada Islaamka ) – Waxa ay la kulantay xaalad adag, taas oo gaadhsiisan heer ay dhakhtar u tagto si ay u caawimo u raadsato. Waxa ay sheegtay in ay rajaynayso in uu ninkeeda siiyo nooc daawo ka dhigi karta in uu yada si wanaagsan ula dhaqmo ama u jajabnaado
Laakiin may filaynin daawaynta uu soo jeediyay.
“Wuxuu ii sheegay inuu ila galmoodo oo uu isticmaalo dareeraha jidhkayga ka imanaya si uu uga sameeyo daawo aan ku quudiyo ninkeyga.”
“Waxaana xilliga uu taladaas soo jeedinayey u uku kalsoonaa in aan cidna u sheegayn, ninkayga, booliska iyo cid kale toonna” ayay sii raacisay
Sawsan waxa ay sheegtay in halkii ay kaga kacday oo aanay dib ugu soo noqon ninki iyo goobtiiba.
Saddex ka mid ah 50 haween ah oo aan Suudaan kala hadalnay kuwaas oo ka hadlayey xadgudubka ay la kulmeen, waxa ay isku mid u sheegeen oo soo noqnoqday qof ay ku magacaabeen Shiikh Ibraahim, oo hoggaamiye diimeed oo ka mida dadka hawlahaa ku shaqaysta.
BBC ayaa Sheekh Ibraahim wax ka weydiisay waxa lagu eedeeyey. Wuxuu beeniyay inuu faraxumeeyay ama uu wax geeystay wax haween ah, ee keliya uu isku dayo in nuu caawiyo, wuxuuna si lama filaan ah u soo afjaray waraysigayagii.
Waxaa se raggaas ka duwan oo shaqo beddel u ah tooda halista badan haysa una samaysa dumarka u baahan daawaynta nafsadeed, Shiikh Faadum.
Waxaan la xidhiidhnay mas’uuliyiinta siyaasadda ee Marooko iyo Suudaan labadaba annaga oo tusayna caddaymaha aannu soo ururinnay.
Suudaan, Dr Alaa Abu Zeid, oo ah madaxa qoyska iyo waaxda bulshada ee Wasaaradda Arrimaha Islaamka, ayaa markii hore ka cago jiiday in uu rumaysto in dumar badan ay noo soo sheegeen in ay la kulmeen xadgudubyo. Laakiin waxa uu qirtay in sharci la’aanta goobaha cilaajyada ahi jirto ayna ‘hawl fawdo ah’ sida oo kalena ay tahay “xirfad ay ka shaqeeyeen kuwa aan shaqo haysan’ .
Waxa uu BBC-da u sheegay in xaaladdan uu hore u arkay, balse xasillooni darrada guud ee dalka ka jirta aanay hawshani imika u ahayn waxyaalaha mudnaanta leh.
Marooko, Wasiirka Arrimaha Islaamka Axmed Tufiq ayaa sheegay in aanu rumaysnayn in loo baahan yahay sharci gaar ah oo khuseeya daawoyinka ruuxiga ah.
“Way adag tahay in si sharci ah loo soo farageliyo arrimahan, xalku wuxuu ku jiraa waxbarashada diinta iyo wacdiga,” ayuu noo sheegay.
In kasta oo dhammaan caddaymaha aanu ururinay aannu tusnay, masuuliyiinta Morocco iyo Sudan way ka caga jiideen inay tallaabo qaadaan.
Taas oo ka dhigan in dumarkaasi xaalad adag wejahayn, xilli ay kuwii danbigaasi ku dhuumanayaan xirfadda ‘isku daaweynta diinta ama ruuxigaa’.