18th October 2024  admin  Category :

Baarlamanka Puntland oo ansixiyey wax ka beddelka dastuurka

Golaha Wakiilada Maamul Goboleedka Puntland ayaa meel-mariyey isbeddel lagu sameeyo dastuurka maamulkaas, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay golaha.

“Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa waxay cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen ansixinta wax-ka-bedelka dastuurka Dawladda Puntland,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed uu soo saaray baarlamanka.

Kulanka ayaa waxaa fadhiyey 60 xildhibaan, waxaana go’aankan oggol ugu codeeyay 54 mudane, halka 6 ay diideen mana jirin cid ka aamustay, ayuu war-saxaafadeedka intaas ku daray.

Wax ka beddelka dastuurka, gaar ahaan qodobada quseeya arrimaha doorashooyinka, ayaa sabab u ahaa xiisad muddo ka taagneyd magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, oo dhowr mar horseedday gacan ka hadal.

Xildhibaannada ayaa cod aqlabiyad leh ku Ansixiyey wax-ka-bedelka Dastuurka.1- Qodobka 7-aad Dhulka iyo Soohdimaha

.2- Qodobka 44-aad Doorashooyinka.

3- Qodobka 46-aad Xisbiyada Siyaasadda.

4- Qodobka 47-aad Shuruudaha furashada Xisbiyadda.

5- Qodobka 56-aad Hanaanka Dawladda.

6-Qodobka 62-aad sababa lagu lumin karo xubinada Golaha Wakiillada.

7- Qodobka 64-aad Awoodaha Golaha Wakiillada.

8-Qodobka 89-aad ee qaab dhismeedka Garsoorka.

9-Qodobka 90-aad Maxkamadda sare.

10-Qodobka 110-aad Guddiga Doorashooyinka.11- Qodobka 113-aad Nidaamka Doorashada Guddiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*