17th October 2024  admin  Category :

Dawladda Hindiya ayaa dhawaan mamnuucday in dalkeeda laga dhoofiyo bariiska. Arrintan ayaa ka danbeesay kadib markii Ruushka uu joojiyey heshiiskii dhoofinta qamadiga Yukrayn, sidoo kalana Ruushka wuxuu billaabay in uu duqeeyo qamadigii la doonayey in dekkeddaha Yukrayn laga dhoofiyo.

Sidoo kale, dawladda Hindiya ayaa sheegtay sababta ay u mamnuucday dhoofinta bariiska ay tahay iyadoo roobabka ay saamayn ku yeesheen wax soo saarka bariiska. Hadaba, meelo badan oo caalamka ka mid ah oo ay ku jiraan shacabka Hindiya ayaa billabay ineey ku yaacaan dukaamada si bariis ay u kaydsadaan maadaama qiimaha uu kor u kacayo maalinba maalinta ka danbaysa.

Hindiya waxeey bariiska u dhoofisaa 140 dal, waxeeyna wax soo saarkeedu uu yahay boqolkiiba afartan 40% wax soo saarka bariiska ee adduunka. Wax soo saarka bariiska waxa xoog ku haysta qaaradda Aasiya sida Shiinaha, Hindiya, Taylaan, Indooniishiya, Fiitnaam, Bangaaladheesh, Fillibiinis, Burma iyo Bakistaan.

Hadaba, bariiska Hindiya iyo qamadiga Yukrayn joojintooda waxa ay saamayn wayn ku yeelaneeysaa dalal badan oo caalamka ah, gaar ahaana qaaradda Afrika oo iyagu ah kuwo ku tiirsan raashinka adduunka kalle laga soo saaro maadaama Afrika ay tahay meel aan xittaa ku filnaan karin ineey soo saarato raashinkii ay ku noollaan lahayd.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*