1st October 2024  admin  Category :

Madaxweyne Xasan Culusoo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeybgalaya shir Madaxeedka IGAD oo gaaray Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb gelaya Shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD ayaa gaaray Magaalada Jabuuti ee Caasimadda Dalkaas.

Meertada 14-aad ee IGAD oo sannadkan diirradda lagu saari doono arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin nabadda, amniga iyo horumarka Gobolka ayaa  Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxa ay ku soo bandhigi doonaan doorka kaga aaddan dowladda Federaalka Soomaaliya iskaashiga dalalka ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD.

Hoggaamiyaasha dowladdaha xubnaha ka ah IGAD ayaa xoogga saaraya xal u helidda dagaalka ka socda dalka Suudaan, mideynta dadaallada heer gobol ee ciribrirka argagixisada, xoojinta isdhexgalka gobolka,  nabadda, dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*