18th October 2024  admin  Category :

Hor joogihii ugu sareeyey beelaha Harti ee u shaqayn jiray maamul beeleedka Isaaqland ayaa markuu xaqiiqda ogaaday is casilsy.

Guddoomiyihii Golaha Wakiillada Isaaqland Cabdirissaq Khaliif Axmed oo ku sugan magaalada Laascaanood ayaa iska casilay dhammaan xilalkii uu ka hayay isaaqland

Cabdirissaq Khaliif Axmed ayaa iska casilay xilka guddoomiyaha golaha wakiillada Isaaqland, xildhibaannimada golaha iyo sidoo kale xubinnimada xisbiga mucaaradka ee Waddani ee beesha Garxejis

Cabdirissaq Khaliif Axmed ayaa qaab dhex-dhexaadin ah ku yimid magaalada Laascaanood markii ay billaabatay colaadda socota, isaga oo ugu dambeyntii maanta go’aansaday inuu ka baxo Somaliland.

Xeer ilaalinta SNM ayaa Talaadadii lasoo dhaafay u gudbisay Golaha Wakiillada ee Isaaqland in la laalo xubinnimadiisa Golaha Wakiillada, waxaana dacwadda xeer ilaalinta oo uu ku saxiixan xeer ilaaliyaha Isaaqland Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan lagu eedeeyay ‘inuu jabiyay dastuurka uu ugu shaqeeuo maamulka SNM.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*