19th September 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Jubbaland oo Muqdisho kula kulmay mas’uuliyiin kale duwan

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa hoyga uu ka daganyahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay mas’uuliyiin kale duwan.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa qaabilay guddoomiye ku xigeenka koobaad ee Barlamaanka Soomaaliya Marwo Sacdiya Yaasiin Samatar oo ay kawada hadleen xaaladda dalka iyo siyaasadda, waxaana sidoo kale uu Madaxweynaha Jubbaland kulan la qaatay Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Soomaaliya Maxamud Macallin Cabdulle iyo ku-xigeenkiisa Dr Axmed Cabdi Aadan oo uu kala hadlay xaaladda fatahaadaha ka dhacay qaar kamid ah deegaannada Jubbaland iyo xanuunada ka dhalan kara, qorshaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka ayuu sheegay guddoomiyaha in ay tahay sidii wax muuqda looga qaban lahaa deegaannada Jubbaland arimaha Gargaarka iyo sidii xal waara loogu heli lahaa musiibooyinka dabiiciga ah.

Ugu dambeynta Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa qaabilay Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya Ganaral Sulub Axmed Firin, Kulanka ayaa lagaga hadlay wada shaqaynta Ciidamada Booliska heer Federaal iyo heer Jubbaland sidii la iskaga kaashan lahaa arimaha amniga iyo horumarinta Ciidamada Booliska.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*