2nd October 2024  admin  Category :

Ergeyga gaarka ah ee beesha Isaaq oo kulan la qaatay Madax sare oo ka tirsan Finland

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha beesha Isaaq Cabdikariim Xuseen Guuleed ayqa maanta kulan muhiim ah la qaatay Agaasimaha Bariga iyo Geeska Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Debadda Finland, Mr Jukka Pajrarinen iyo madaxda Safaaradda Finland ee Soomaaliya kuwaas oo ay ka wada hadleen dib u billaabidda Wadahadallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Isaq .

“Waxaan uga mahadceliyay doorka dowladda Finland ay ka qaadatay Dowladd dhiska Soomaaliya, waxaana warbixin ka siiyay sida ay nooga go’an tahay ka guul gaarista wadahadallada Somaliland iyo in Dowladdeenu ay diyaar u tahay wax kasta oo looga gun-gaarayo  Arrimaha Somaliland”. Ayuu yiri Mudane Cabdikariim.

Dhankiisa Mr Jukka Pajrarinen ayaa muujisay sida ay diyaarka ugu yihiin in ay Soomaaliya kaga caawiyaan dedaallada lagu xoojinayo midnimada Ummadda Soomaaliyeed, sidoo kalena ay gacan ka geysan doonaan ka mirra-dhallinta Wadahadallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*