22nd September 2024  admin  Category :

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in tiro hoobiyeyaal ah ay ku dhaceen agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Soomaaliya.

Weerarkan hoobiyayaasha ah waxaa xaqiijiyey saddex qof oo ku sugan magaalada oo sheegay in ay maqleen qaraxyada.

Ilaa hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkan.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda, laakin weerarrada noocaan ah ee ka dhaca Muqdisho ayaa inta badan waxaa mas’uuliyaddooda sheegta kooxda Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*