18th October 2024  admin  Category :

Ciidamada maamulka Puntland oo burburiyay goobo ay ku sugnaayeen Argagixisada Daacish

Qoraalkooban oo ka soo baxay taliska Ciidan ka Difaca Puntland gaar ahaan Qaybta 7aad ee Bari ee Urur ka Onkod ayaa lagu yiri.

“Ururka Onkod ee Ciidamada Difaaca Puntland ee ka howl Gala Degmada Balidhidin ee Gobalka Bari Ayaa Cagta Mariyey Talisyo dhowr Ah oo ay Ku Dhuumalysanayeen Kooxda argagixisada ah ee Daacish ee ku dhuumaalaysta Buuralayda Calmadow ee Gobalka Bari”.

Kooxda Argagaxisada ah ee Daacish ayaa Howl galkan loogaga Gubay Gaadiid iyo Sanaadii kala duwanayd ee ay Kooxdaani isticmaalayeen “waxaa sidoo kale la gaarsiiyey jab xoog leh oo kala ah dhimasho iyo dhawac ba”Ayaa lugu yiri qoraalka ka soo baxay Ciidamada difaaca Puntland.

Ciidamada Difaaca Puntland ayaa asbuucyadii ugu banbeeyay laba jibbaaray howlgallada lagula dagaalamayo Kooxaha Khawaarijta ah ee Daacish iyo Al Shabaab ee ku dhumalaysta Buuralayda Silsilada Golis iyo Cal Miskaad ee Gobalada Sanaad iyo Bari.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*