4th October 2024  admin  Category :

Wasiirka Ganacsiga oo la kulmay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo maanta la kulmay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Ambassador Larry André Jr., ayaa gudbiyey bilowga hanaanka ay Soomaaliya ee ka mid noqoshada heshiiska Ganacsi ee u dhaxeeya Mareykanka iyo Afrika, kaas oo ah heshiis kobcinaya sidoo kale abuuraya fursado muhiim ah oo lagu horumarinayo ganacsiga Soomaaliya.

Wasiirka, ayaa Safiirka kala hadlay dar-dar-gelinta iyo fududeynta heshiiskan oo abuuraya in Soomaaliya ay badeecadeeda u iib gayso suuqyada Mareykanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*