26th November 2024  admin  Category :

Maxaad ka taqaan lixda nin ee u istaagay in ay joojiyaan dagaalka Laascaanood?

Waxaa weli socda dadaallada xalka loogu raadinayo dagaalka Laascaanood xilli uusan weli joogsan dagaalka iyadoo labada dhinac uu midba midka kale ku eedeynayo inuu weerar kusoo qaaday.

Maanta waxaa Laascaanood gaaray odeyaal dhaqameed ka socday Koonfurta Soomaaliya si ay u dhexdhexaadiyaan labada dhinac ee isku haya colaadda Laascaanood.

Odeyaashan oo ka koobnaa lix ayaa gaaray magaalada Laascaanood iyagoo la kulmay isimada dhaqanka ee seedaannada SSC.

Odeyaashan ayaa lagu wadaa inay la shiraan isimmada dhaqanka ee Laascaanood.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo hadda ah hoggaanka dhaqanka ee ugu sarreeya garaaddada golaha dhaqanka Laascaanood ayaa BBC -da u sheegay in odeyaasha ay la kulmi doonaan caawa isla markaana ay ka wadahadli doonaan xaaladda Laascaanood.

“Dad dhinac u jaanjeera ma aha , waa rag iskood isu soo xilqaamay waxayna u socdaan inay joojiyaan dhiigga maalin walba daadanaya iyo dhibaatada umadda lagu hayo iyo waxa ay ka qaban karaan loomana arko inay dhinac ka raran yihiin,” ayuu yiri.

Haddaba maxaan ka naqaannaa odeyashan u baxay in ay joojiyaan colaadda Laascaanood?

Ugaas Maxamuud Ugaas Cali

Ugaas Maxamuud

Ugaas Maxamuud oo ah ugaaska beesha Abgaal waxa uu ka mid yahay madax dhaqameedka reer Muqdisho waxa uu ka tirsan yahay odayaasha u istaagay dhexdhexaadinta dhinacyada ku dagaallamaya magaalada Laascaanood.

Waxa uu darajada ugaasnimo ka dhaxlay awowgiis Ugaas Cabdulle. Dhaqanka beesha ayaa ah in ugaaska uusan dhaxlin wiilkiisa balse uu dhaxlo wiilka uu awowga u yahay.

Maadaama uu aad u yaraa markii uu awowgiis geeriyooday waxaa ugaasnimada si ku meel gaar ah ugu hayay aabihiis oo xilka ku wareejiyay isla markii uu qaan gaar noqday.

Ugaas Maxamuud Waxa uu ku barbaaray, waxna ku bartay magaalada Muqdisho.

Waa ganacsade aqoonyahan ah oo aqoon dheer u leh arrimaha siyaasadda, dhaqanka iyo bulshada.

Aabihiis oo la oran jiray Cali ugaas Cabdulle waxa uu ahaa guddoomiyaha gobolka Banaadir xilligii dowladdii Kacaanka.

Waxa uu xubin ka yahay urur goboleedka IGAD waxa uuna ka qeyb galay shirkii ka dhacay magaalada Mombasa ee dalka Kenya oo ay ka qeyb galeen odayaasha qeybta ka ah IGAD.

Waxa uu qeyb ka lahaa xallinta rabshadihii ka dhashay weerarkii hadda ka hor lagu qaaday guri uu dagganaa siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale waxa uu qeyb weyn ku lahaa dadaalladii xalka loogu raadinayay khilaafkii siyaasadeed ee u dhaxeeyay dowladdii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo siyaasiyiinta mucaaradka, isagoo labada dhinac u kala dab qaadayay markii lagu shiray Hoteel Maa’ida.

Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur

Ugaas Xasan Ugaas Maxamed

Waa ugaaska beesha Cayr/Habargidir. Waxaa la caleema saaray sanadkii 2005-tii, tan iyo xilligaasna waxa uu ku howlanaa arrimaha nabadeynta.

Sidoo kalena waxaa uu si ku meel gaar ah beesha Xawaadle ugu soo noqday ugaas bishii February ee sanadkii 2021-ka.

Beesha cayr iyo beesha Xawaadle ayaa waxaa ka dhaxeeya dhaqan ah in ay ugaasyadoodu ay isku qaban karaan xilka ugaasnimada haddii mid ka mid ah beelahana uu ka dhinto ugaaskooda ama ay arrin kale ku timaaddo tan iyo inta la dooranayo mid cusub .

Wuxuuna ugaas Xasan beesha Xawadale ku sime ugaas u noqday markii uu geeriyooday Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble Ugaaskii beesha Xawaadle.

Deegaankiisa rasmiga ah waa degmada Guriceel, halkaas oo uu aabihiisna horay u dagganaa.

Suldaan Warsame Suldaan Ibraahim Suldaan Caliyow Ibrow

Suldaan Warsame Suldaan Ibraahim Suldaan Caliyow Ibrow
Qoraalka sawirka,Suldaan Warsame Suldaan Ibraahim Suldaan Caliyow Ibrow

Suldaan Warsame Suldaan Ibraahim Suldaan Caliyoow Suldaan Ibrow waa ugaaska beesha Jiiddo oo ka tirsan Digil iyo Mirifle.

Sanadkii 1973-kii ayuu ku dhashay magaalada Qoryooley.

Heerkiisa waxbarasho waa Master waxa uuna shahaadada heerka labaad ee Jaamacadda ka heystaa maaddada Injineernimada Rayidka.

Aqoontiisa Jaamacadeed waxa uu ku dhammeystay waddanka Mareykanka.

Intii u dhaxeysay 1993-kii ilaa 2004 ayuu ka maqnaa dalka.

Suldaannimadiisa oo dhaxal ah waxaa u dheer in uu yahay guddoomiyaha Golaha Dahqanka ee Digil iyo Mirifle.

Hadda waa afhayeenka odayaasha dhaqanka ee Soomaaliyeed.

Ugaas Cabdirahman Ugaas Cabdulaahi Ugaas Maxumad

Ugaas Cabdirahman Ugaas Cabdulaahi Ugaas Maxumad

Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdullaahi waa ugaaska beesha Gaaljecel waxa uuna ka mid yahay odayaal dhaqameedka Laascaanood u tagay waanwaanta nabadeed.

Waxa uu degmada Buulabarde ee gobolka Hiiraan ku dhashay sanadkii 1963-kii.

Waxbarashadiisa waxa uu ku gaaray ilaa heerka dugsiga sare.

Xilka ugaasnimada waxa uu ka dhaxlay aabihiis oo geeriyooday.

Hase yeeshee ilaa hadda lama caleema saarin.

Malaaq Maxamed Yacqub Sheekh Deeroow

Malaaq Maxamed Yacqub Sheekh Deeroow

Malaaq Maxamed Yacquub Sheekh Deeroow waxa uu 1957-kii ku dhashay tuulada Biyooley oo u dhow degmada Teyegleey. Hadda waa 66 jir.

Xilka malaaqnimada waxaa loo doortay sanadkii 1998-kii.

Waxbarashada dugsiga qur’aanka ayu uku qaatay tuulada u uku dhashay isagoo ka dibna u wareegay magaalada Muqdisho, halkaas oo u uku dhigtay dugsiga sare.

Waxa uu ka mid noqday shaqaalaha dowladdii kacaanka.

Shirkii Carte ayuu ka qeyb galay waxa uuna sanadkii 2000 ka mid noqday xildhibaannadii Baarlamaankii lagu soo dhisay Jabuuti.

Wabar Maxamed Wabar Axmed Wabar Cabdi

Wabar Maxamed Wabar Axmed

Wabar Maxamed Wabar Axmed waxa uu xilka ka dhaxlay aabihiis Wabar Axmed Wabar Cabdi oo ahaa oday dhaqameed si weyn looga yaqaannay gobolka Hiiraan.

Weli looma caleema saarin Wabarnimada balse waxa uu xilka hayay tan iyo markii uu aabihiis geeriyooday sanadkii 2017-kii.

Waxa uu ku dhashay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Waxbarashadiisa aasaasiga ah waxa uu ku qaatay Jalalaqsi isagoo heerarka xiga ee waxbarashadiisa kusii qaatay magaalada Muqdisho.

Wabar Maxamed waxa uu gaaray ilaa heerka dugsiga dhexe

Waxbarashada Dugsiga Hoose Dhexe.

Aabihiis waxa uu ahaa Wabar caan ah oo si weyn looga yaqaanay Hiiraan iyo Soomaaliya inteeda kale.

Isagu waxa uu hadda ka mid yahay hoggaamiye dhaqameedka sida weyn looga yaqaanno geyiga Soomaalida, waxa uuna qeyb ka yahay odayaasha dhaqanka ee magaalada Laascaanood u tagay si ay waanwaan uga sameeyaan.

Waxa uu caan ku yahay inuu ku jiro hoggaanka dhaqanka ee da’da yar.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*