4th October 2024  admin  Category :

Puntland oo xukun dil ah ku riday 10 katirsan Khawaarijta

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa xukun dil toogasho ah ku riday 10 nin oo ku eedeysan inay katirsan  yihiin kooxda khawaarijta, isla markaana dilal ka geysteen Magaalada Gaalkacyo.

Raggaan ayaa waxaa kamid ah Cadde Cabdullaahi Maxamed Cilmi iyo Cabdiqani Saleemaan Jaamac Sayloor, oo ku eedeysan inay Gaalkacyo ku dileen Wariye Jamaal Faarax Aadan, kuwaas oo horay dil toogasho loogu xukumay balse racfaan ay ka qaateen.

Raggan ay maxkamadda  Puntland xukunka dilka ah ku riday ayaa lagu helay inay ahaayeen Shabakad dilal ka geystay magaalada Gaalkacyo, waxana magacayadooda ay kala yihiin.

1: Cadde Cabdullaahi Maxamed

2 Cabdiqani Suleeymaan Jaamac

3 Xasan Jaamac Maxamed

  1. Maxamed Cali Axmad Muuse
    5. Farxaan Faysal Salaad Xirsi
  2. Cabdulahi Faysal Xuseen
  3. Barkhad Cawil Xirsi Nuur
  4. Liibaan  Aaden Muuse
  5. Cabdiqani Farxaan Abdulahi
  6. Cabdiraxman Cawil Maxamed

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*