4th October 2024  admin  Category :

Jubbaland oo bogaadisay guulaha laga gaaray dagaalka dib u xoreynta ee ka dhanka ah Khawaarijta

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan, gaar ahaan  xaaladda amniga guud iyo dagaalada dib u xoraynta ee ka socda Inta badan deegaannada Jubbaland, kuwaas oo ay wadaan Ciidamada Jubbaland iyo ciidamada xooga dalka isla markana saacadahii lasoo dhaafay lagu dilay in ka badan 23 ka tirsan Khawaariijta Sidoo kalana lagaga furtay hub kala duwan.

Golaha ayaa bogaadiyay howlgalada socda iyagoo ugu baaqay shacabka ree Jubbaland inay garab istaagan Ciidamada qalabka Sida ee dagaalka kula jira kooxaha Argagixisada ah.

Dhinaca kale waxa uu Golaha Wasiirada Jubbaland akhrintii koobaad marsiiyay sharciga lagu dhisayo Hay’adda waddooyinka Jubbaland, kaas oo ay soo gudbisay Wasaarada howlaha guud iyo guriyaynta isla markana dhawaan Baarlamaanka loo gudbin doono.

Ugu danbayntii Wasaarada Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha Jubbaland ayaa soo bandhigtay qorshaha kor u qaadista dhakhliga guud iyo horumarinta Canshuuraha, taas oo wax badan ka tari doonta dhaqaalaha guud ee Jubbaland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*