4th October 2024  admin  Category :

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐—ถ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐— ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ด๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—œ๐˜€๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—–๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ฆ๐˜‚๐˜‚๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป

Muqdisho, Maarso 20, 2023: – Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dalka Suudaan, Marwo Axlaam Madani Mahdi, oo hoggaaminaysay wafdi ganacsato u badan oo ka qeyb-galay Madasha Maalgashiga ee Soomaaliya iyo Suudaan.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa xusay xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dal, isagoo sheegay in maalgashadeyaasha reer Suudaan ay uga bannaan tahay Soomaaliya fursado maalgashi oo aad u ballaaran, iyadoo ay si gaar ah u caawineyso ganacsatada Suudaan xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah.

Dhankeeda, Wasiirka Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dalka Suudaan, Marwo Axlaam Madani Mahdi ayaa Raโ€™iisul Wasaaraha la wadaagatay sida ay ugu faraxsan tahay ka qeyb-galka Madasha Iskaashiga iyo maalgashiga SOMSUDAN, waxa ayna xustay in wafdigeeda ay ka mid yihiin 40 shirkadood oo ganacsi oo laga leeyahay dalka Suudaan, kuwaas oo danaynaya inay maalgashiga ku sameeyaan Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Suudaan ayaa kala saxiixday heshiisyo kor u qaadaya isdhaafsiga badeecadaha iyo maalgashiga, taas oo ay barbar socoto xoojinta iskaashiga iyo xiriirka walaaltinimo ee labada dal.

Suudaan waxay door weyn ka cayaartay sare u qaadidda aqoonta dhallinyarada Soomaaliyeed, iyadoo dalkaasi ay wax ku bartaan kumaankun oo Soomaali ah, kuwaasi oo kaalin firfircoon ka galaya dib u dhiska iyo horumarka dalka. –omalia+3

All reactions:163163

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*