19th September 2024  admin  Category :

GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADA DPL OO MAANTA KORMEER UGU TAGAY CIIDAMADA DIFAACA EE GOBOLKA SANAAG.

Sanaag: February,12 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta kormeer ugu tagay ciidamada difaaca Dawladda Puntland ee ku sugan jiidaha Gobolka Sanaag, kuwaas oo kala ah Hadaaftimo, Kalgu-bataale, Carmaale, Dawaco, Damala-xagarre, Sibaaye iyo Ceelbuuh oo dhammaantood ka tirsan Gobolka Sanaag.

Guddoomiyaha oo socdaalkiisa uu la xiriiray dhiiri gelinta ciidanka difaaca iyo sida bulshada Gobolka Sanaag ay uga qayb qaadan karaan xoreynta magaalada Laascaanood ayaa u kuur galay xaalada ciidanka iyo baahiyahooda, waxaana uu ku bogaadiyey shaqada ay dalkooda u hayaan.Kormeerka ayaa waxaa Gudoomiyaha ku wehlinayey Taliyeyaasha Ciidanka ee Gobolka Sanaag, Guddoomiyaha Gobolka Sanaag, Duqa Degmada Badhan iyo saraakiil kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*