19th September 2024  admin  Category :

Hogaamiyihii Macawislayda Gobolka Sanaag oo la dilay

Allah ha u naxariistee C/rashiid Cali xiirey, oo ahaa hogaamiyaha Macawisleeeyda gobolka Sanaag , madaxna u ahaa dhalinyaro iyagu iskood isu abaabushay ayaa qarax miino ah oo loo dhigay degaanada ugu kahayraadka badan gobolka Sanaag lagu dilay.

Dhalinyaradn is xilqaanatay oo dullnimada diiday iyo in nin Beer iyo Baydhabo ka yimaad uu khayraadka degaankooda uu ka dhaxal wareejiyo, ayaa waxay ku dagaalamaan hubka fudud oo iyagu lacag ay iska soo ururiyeen ku soo iibsaday oo aan awood kale lahayn

Bulshada Caalamka, ayaa Malaayiin doolar ku bixisa la dagaalanka argagixisada Soomaaliya, lacagtaas iyo hubka caalamku bixiyaan ayaa waxa la geliyaa oo qura degaanada Beelaha Hawiye Degaan, waana meesha qura uu ka socdo la dagaalanka alshabaab, taasina waxay keentay in baxsadkii alshabaabka ee ka soo baxsaday Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe u soo baxsadaan buuraha Calmadow ee ay qaarkod horay u joogeen.

Hoos ka daawo sababta Allah ha u naxariistee Gudoomiye Cabdirashiid hubka u qaatay

Sawirka sare waa Dhalinyaro beesha Warsangeli ka soo jeeda oo qoryo ay iibsadeen kula dagaalamaya alshabaab,

Sawirka hoose waa Ciidan lagu hubeeyey lacagtii iyo qalabkii caalamku ugu talo la dagaalanka alshabaab oo ku sugaan degaanada beesha Abgaal ee Hawiye

Waa madaxweynhii Soomaaliya Xasan Culusow oo u haysta in Soomaaliya tahay inta beesha Hawiye degaan. Qoraalkanina iyaga ayuu ku socdaa

Sawirkani waa Allah ha u naxariistee waa Axmed Cali maxamud (a\Axmed cali kamakama ) oo isaguna ku dhintay Miinaddii la dhigay Macagta

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*